Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Xilalkii U Kala Wareejiyey Agaasimihii Hore Ee Wasaaradaasi Iyo Agaasimaha Cusub Ee Dhawaan Loo Soo Magacaabey + ( Sawiro).

0
662

Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Oo Xilalkii U Kala Wareejiyey Agaasimihii Hore Ee Wasaaradaasi Iyo Agaasimaha Cusub Ee Dhawaan Loo Soo Magacaabey + ( Sawiro).

Hargeysa (Warsugannews):- Wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland maxamed biixi yoonis ayaa maanta xilalkii si rasmi ah ugu kala wareejiyey agaasimihii hore ee wasaaradaasi iyo agaasimaha cusub ee dhawaan soo magacabey madaxweynaha jamhuuriyada somaliland Axmed Maxamed Maxamuud SIilanyo .

Xafladan xil wareejinta oo aheyd mid aad loo soo agaasimey kana dhacdey hotel maansoor ee magaalada hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirka wasaardaasi , wasiir ku xigeenka wasaardaasi , wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha , xildhibaano , shaqalaha wasaardaasi iyo marti sharaf kale

Ugu horeyn waxaa madasha ka Hadley agaasimihii hore ee wasaardaasi waxaana uu ka waramey intii uu xilka hayey wax yaabihii uu ku soo kordhiyey wasaarda isaga oo agaasimaha cusubna xilka ku soo dhaweeyey “Waxaa uu xilkan madaxweynuhu ii magacaabey 2013 bishii July waxaana ay aheyd shaqadii saddexaad ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland ii magacaabo mudadii ay xukuumadani jirtey runtiina xilalkaas la ii magacaabey waxaa ay aheyn qaar la igala tashadey oo aan wax badan ka ogaa inta badana dalab aan anigu dalbadey ku yimid .

Maanta xilkan aan wareejinaayo waa xil aan anigu gartey in aan wareejiyo mudana aan ku hawlanaana in xilkan cidii qaban laheyd ee hanan laheyd aniga dabadey loo soo magacaabo dhawr jeerna madaxweynaha aan u gudbiyey istiqaaladeed waxanan maanta ku faraxsanahay in xalkii loo soo magcaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Ab Deeq oo aan is leeyahay waa masuul hanan kara shaqadan waxaanan leeyahay ku soo dhawoow “ Ayuu Yidhi Agaasimihii Hore ee Wasaarada Arimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Siciid Xassan

Sidoo kale waxaa isna dhinaciisa Hadalo kooban ka yidhi agaasimaha cusub ee loo soo magacaabey wasaardasii mudane Muddane Cabdiraxmaan Maxamuud Ab Deeq waxaana uu yidhi “ Marka hore waxaa mahada iska leh madaxweynaha jamhuuriyada Somliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo gartey in uu xilkan ii magacaabo xukuumadan waxaan odhan karaa waa xukuumadii dhalinyarada waxaana aad ka garan kartaa waxaa xilka igu wareejinaya nin dhalinyaro ah waxaana la wareegaya aniga oo ah nin dhalin yaro ah .

Runtii waxaan ku da daali doona sidii aan uga soo bixi lahaa xilkan la ii magacaabey waxaana shaqaalaha wasaardan shaqo wacan baan idiin rajeynayaa “ ayuu yidhi agaasimaha cusub ee loo magacaabey wasaarada arimaha dibada Somaliland Muddane Cabdiraxmaan Maxamuud Ab Deeq .

Gabo gabadii wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland Maxamed Biixi yoonis ayaa madasha ka jeediyey hadlo kooban waxaan uu yidhi “ Waxaanu aad iyo aad u soo dhaweynaynaa Cabdiraxmaan Ab Deeq Agaasimaha cusub ee wasaaradan loo soo magacaabey waxaana sidoo kale si kal kaceel ah aanu u sii sabootineynaa Maxamed Siciid Xassan oo aad iyo aad noola shaqeeyey runtiina Maxamed Isaga ayaa talada goostey in uu shaqada ka tago istiqaaladiisi mar hore ayuu dhiibey aniga iyo madaxweynaha ayuu noo dhiibey balse waxaa aanu ka codsaney in uu in yar nala sii joogo aad iyo aadna waan kugu mahad naqeynaa in aad naga ajiibtey oo aad arinkaas aan kula nimid aad naga aqbashey maantana aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay in uu badelkiisii oo cabdiraxmaan ahi nala joogo waxaana aanu leenahay soo dhawoow cabdiraxmaan “ ayuu yidhi wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland Maxamed Biixi Yoonis

Ugu danbeyntii wasiirka wasaarada arimaha dibada somaliland ayaa waxaa uu si rasmo ah xilalka ugu kala wareejiyey agaasimaha cusub ee wasaarada arimaha dibada iyo agaasimihii hore .

1(607)

2(557)

3(522)

4(484)

5(428)

6(388)

7(334)

8(309)

9(257)

10(261)

11(300)

12(208)

13(179)

14(153)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here