FARMAAJO Oo Codsaday In Uu La Kulmo Midowga Musharixiinta Iyo Midowga Musharaxiinta Oo Diiday Inay La Kulmaan Farmaajo

0
345

Madaxweynaha Muddo xileedkiisa Dastuurigu dhamaaday, dhawaanna sameystay Muddo korodhsiga Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa codsaday in uu la kulmo Siyaasiyiinta ku bahoobay Golaha Midowga Musharixiinta madaxweyne.

 

Kulan Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynayaasha Galmudug, hirshabeelle iyo Midowga Musharixiinta ayaa laga soo xigtay in Madaxda labada Maamul ay madasha ka sheegeen dalab ay kawadaan Farmaajo oo ku aadan in uu doonayo la-kulanka Musharixiinta Golaha Midowga.

Midowga Musharaxiinta ayaa ku gacan seyray farriintii ay wadeen Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabelle oo ahaa codsi ka yimid Madaxweyne Farmaajo inuu la kulmo Musharaxiinta.

Ilo ku dhow dhow shirka ka dhacay guriga Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegaya inuu iskaga soo baxay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, kaddib markii Qoorqoor iyo Guudlaawe ay shirka la yimaadeen wixii ay ka sugayeen wax aan aheyn oo ah inay farriin sidayaal noqdeen, halka markii hore laga sugayay inay mowqif cad ka qaataan muddo kordhinta labada sanno oo wixii ay kala soo kulmeen Farmaajo ka sheegaan shirka maalinta Isniinta.

Golaha Midowga Musharixiinta ayaa Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor-Qoor ka dalbaday in marka hore ay caddeeyaan mowqifkooda la xidhiidha go’aanka Golaha Shacabka ee u codeynta Sharciga Jiheynta Doorashooyinka oo meesha ka saaraya rajada qabsoomidda Doorasho Dadban oo ka dhalatay heshiiskii 17-ka September 2020.

Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada Galmudug iyo Hir-Shabeelle ayaa jawaab laga sugayaa ilaa Isniinta berri ah 19-ka April 2021 haddii ay kasoo qorshaha ka yimid Villa Soomaaliya ee uu ansixiyay Golaha Shacabka balse waayay taageero badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here