FARRIIN IYO BAAQ KU SOCDA XISBIYADA QARANKA,XUKUUMADDA IYO KOOMEESHINKA QARANKA ….

0
345

FARRIIN IYO BAAQ KU SOCDA XISBIYADA QARANKA,XUKUUMADDA IYO KOOMEESHINKA QARANKA ….

Waxaan si xushmo iyo qadarin mudan,halkan uga baaqaya inaanay indhaha ka qarsan xaaladda adag ee uu maanta marayo dalkeenu,bari iyo galbeedba,saameynta ay ABAARUHU ku yeesheen dad iyo duunyaba,isla markaana aanay dhibaatadaasi,wakhti yar ku dhamaanayn. Sababtoo ah,waxaa ABAARTI ugu biirtay dhaxan ka awood badan dadka dhibaataysan ee meel walba daadsan ee nafaqo la’aanta la socon kari la,,,,,,,,,, iwm.

Haddaba,waxaa loo baahan yahay inuu Caqligu taliyo oo aan dheg loo dhigin shisheeyaha ama deeq bixiyayaasha, ILAAHAYBAA[SWT] DEEQDA,bixiyee dadkeena intaynu badbaadin karno aynu badbaadino,xoolo dhamaadee yeynaan ku mashquulin siyaasad iyo wax ka sii daran.

Waxaan dhamaan bulshaweynta soomaaliland bari iyo galbeedba u soo jeedinayaa,inay is Cafiyaan,gaar ahaan gobolladda barigu,oo ay maanta ka socdaan beelihi utuntu ka dhexaysay, inay is wada caafiyaan,Ilaahay[swt] hortiisana ku ballan qaadaan inay dhab ahaan isku cafiyeen oo aysan dib u dhacayn. waxaana hubaal ah,haddii ay sidaas yeelaan,inuu Ilaahay[swt] u shubi doono Nimcadiisa,iyagoo aan golaha ka dareerin.

Waana in roob doon loo dareera,bari iyo galbeedba,maalintaasna,qof walba shaadhka uu xidhan yahay,hugiisa sare,maqluub u rogaa…. waana siduu NABIGU[SCW] uu yeeli jiray ee yaan la’iska dhego tiring arrinkaasi,dhib kastana waxaa ka dambeeya,wanaag iyo naxariis lagu barwaaqoobi doono. ee sidan ha la yeelo.

 In maalintaas xafiisyada Dawladda,meheradaha Dugsiyada iyo JAMEECADAHA,Dalkoo dhan ay ka soo qayb galaan Salaadda ROOB Doonta. Mid aan dhib iyo Duufaan lahayn.
 Inay SHICIBWEYNUHU yar iyo weynba u soo baxaan Salaadda Roob Doonta, isla markaana uu qof walba dharka uu xidhan yahay, shaadh,garan iyo koodhba ay maqluubka u rogaan,iyagoo Ilaahay[SWT] dhulka isu dhigaya,oo Istiqfaarta kaga soo baxay guryahooda. ILAAHAYBAANA OG DHAMAADKEEDA.

 In meel la iska dhigo,Doorasho qabsoomaysa ma jirtee hadal qaadkeedaba. waayo,XATAA, hadduu ROOB da’o,waxaan laga geyoonayn oo wakhti dheer qaadanaysa, dib u dejintooda,ugu yaraana ilaa bisha afaraad, aan la dhamaystiri karayn. ILAAHAYBAANA OG DHAMAADKEED.
Allaa Mahad Leh.
W/Q: Muxammed Jaamac Liibaan. Hargeysa.