Farriin Ku Socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand.

0
371

Farriin Ku Socota Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliand.

Mudane Madaxweyne, ugu horrayn waxaan kugu salaamayaa salaan kuu qalanta, adiga oo ka turjumaya qaranka Somaliland. Salaan ka dib farrintani waa mid dareen ah, oo ka dhalatay baaqaagii maanta iyo kulankii guddida abaaraha aad isugu yeedhay. Maanta oo taariikhdu ay tahay 26kii Oktoobar 2016 Arbaca.

Mudane Madaxweyne umadda waxaa soo foodsaartay xaalad abaareed; xaaladdaasi oo rabbi keenay ee aynaan innagu samaysan. Mudane Madaxweyne adiga oo xaaladdaas ka shidaal qaadanaya iyo cabashooyinkii dadka qaar soo jeediyeen, waxa aad umadda Somaliland ugu baaqday inay isu gurmadaan, guddida abaarahana aad u shirisay. Waana xilkii ku saarnaa oo aad shaqadiisii ku gudo jirto. Balse waxan siisan waayay aniga oo ah muwaadin ka mid ah bulshada aad hoggaamiso, inaad gurmad biddo bini’aadan itaal daran oo inaga liita, innaga oo aanad waxtarkeenna iyo karaankeenna aan isu dhiiirrinin bulsho weynta reer Somaliland meel walba oo ay joogaan.

Midane Madaxweyne, waxba inama tarayaan Jumciyadda quruumaha ka dhaxaysa, Urur goboleedka Igad, Urur midawga Yurub, Ururka midawga Afrika, Jaamacadda Carabta iwm. Waana liidnimo in loogu habar wacdo wax uu qaranka Somaliland iskii u dhammaysan karayo, haddii daacad laga yahay.

Sida aan la wada soconno, abaartii tan ka horraysay, waxa qayb laxaad leh ka qaatay inay isu kaalmaystaan karaankooda ganacsatada, ardayda iskuullada, madaxda qaranka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Ilaahayna wuu ka jabiyay umaddii xaaladdii darnayd. Iminkana sidii oo kale, waxa la isku eegayaa umadda qaranka e, Mudane Madaxweyne ma isku xukunnaa oo ma isku baraarujinnaa inaynu innagu ka bulsho ahaan is caawin karno. Iyada oo laga bilaabayo dhammaan shaqaalaha xukumadda Somaliland in qaadhaan loo ururiyo dadka iyo degaannada ay abaaruhu saameeyeen. Haddii ay warcelintu tahay HAA. Mudane Madaxweyne aynu u qorshayno sidan:

1. Innaga oo ogsoon in mushahar kun iyo xoogay ah ay qaataan wasiirradu, wasiir-ku-xigeennadu iyo madaxda hay’adaha kala duwan ee dawladdu, in wax laga gooyo; laguna caawiyo umadda ay abaaruhu saameeyeen.

2. Innaga oo ka warqabna in xaqul-qalinkii DP World ay bixisay ay jeebadihii iyo xarunta madaxtooyadaba ay ka sii qoyantahay. Taasna wax lagaga tari karo gurmadka abaaraha; in lagu caawiyo umadda ay abaaruhu saameeyeen,

3. In ganacsatada waddanka ee xoogga dhaqaalaha maamula lagu soo rogo qaadhaan degdeg ah oo ay kaga hortagaan xaaladda adag ee ina soo foodsaartay; laguna tartansiiyo ka qayb qaadashada gurmadkan iyada oo cashuuraha sannadka dambe loo khafiifin doono ama ballanqaad loo sameeyo. Si ay u caawiyaan umadda ay abaaruhu saameeyeen.

4. In dhammaan hay’adaha madaxa bannaan ee waddanka ka shaqeeya lagu soo rogo ka qayb qaadashada xaaladdan. Si ay u caawiyaan umadda ay abaaruhu saameeyeen.

5. In dugsiyada gaarka loo leeyahay lagu soo rogo inay bixiyaan dhankooda wixii ay u hurayaan ka qayb qaadashada xaaladdan adag. Si ay u caawiyaan umadda ay abaaruhu saameeyeen.

6. In dhammaan qurba-joogta reer Somaliland lagu wargeliyo inay gacmaha isu qabsadaan waxtarka umaddooda ay wax yeellaysay abaartani. Laguna wargeliyo inay si degdeg ah u soo caawiyaan dadkooda.

Dhammaan haddii aynu intan xoogga saarno, si daacad ahna uga hawl galno, ilama aha in Mudane Madaxweyne bulshadaadu ay u baahantahay, ururrada sida xaqiiqda ah aan dawladnimadeenna aqoonsanayn ee aad warsaxaafadeedkaaga ku xustay. Qaranka Somaliland bulshadiisaa is ah, isna kafayn karta haddii loo daacad adeego. Umana baahna dad iyaga ka liita oo xaaladdan Ilaahay keenay ay kula eersadaan.

Farriintan waxa ay kaaga imanaysaa, Mudane Madaxweyne:

Muwaadin; Cabdicasiis-Daacad Ibraahin Ciise

Qalindhuux@gmail.com