Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inuu Aqoon U Leeyahay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Loo Magacaabayo, Rajana Ka Muujiyay Inuu Qaddiyadda Somaliland Wax ka Qaban Doono

0
595

Faysal Cali Waraabe Oo Sheegay Inuu Aqoon U Leeyahay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Loo Magacaabayo, Rajana Ka Muujiyay Inuu Qaddiyadda Somaliland Wax ka Qaban Doono
Eng Faysal Oo Sheegay Inay Kulmeen Antonio Guterres Oo Loo Magacaabayo Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay

Hargeysa(Warsugan) Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa bogaadiyay xoghayaha guud ee xilligan loo wado Qaramada midoobay Mr Antonio Guterres. Masuulka cusub oo u dhashay waddanka Bortaqiiska ayaa bedeli doona xoghayaha xilligan Mr Banki Moon oo u dhashay waddanka Kuuriyada Koonfureed.Eng Faysal ayaa sheegay inuu aqoon u leeyahay hoggaamiyaha cusub islamarkaana uu filayo inuu wanaajin doono xidhiidhka Somaliland iyo Qaramada Midoobay.Antonio Guterres, ayaa hoggaamiye ka ahaa ururka caalamiga ah asxaabta shuuciga ah oo xisbiga UCID ka mid yahay. Xisbiga Ucid ayaa rumaysan aragtiyaha is huwan ee Dimuqraadiyadda iyo Shuuciyadda, kuwaasi oo furfurnaan siyaasadeed iyo mid adadag isugu jirta.

Antonio Guterres, xoghayaha cusub ee helay kalsoonida golaha ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu Ra’isal wasaare ka noqday Waddankiisa Bortaqiiska sannaddihii 1995 ilaa 2002-dii. Sidoo kalena waxa uu ahaa madaxa guddida sare ee hay’adda qaxoontiga Adduunka u qaabilsan Qaramada midoobay sannadihii 2005 ilaa 2015, waxaana lagu tilmaamaa hoggaankii ugu waxqabadka badnaa hay’adda UNHCR tan iyo dagaalkii labaad ee dunida. Waxa uu dhisay awoodda ururku ka jawaabi karo barakacyadii ugu balaadhnaa.

Waxa uu hoggaamiyay kaalintii Qaramada midoobay ka qaadatay gargaarka dagaalka sokeeye ee Waddanka Suuriya, mashaakilaadkii qaxoontiga ee Yurub ka dhacay sannaddihii la soo dhaafay, dagaalkii Bariga Yukrayn ee 2014-kii, mushkiladdii 2009-kii ka dhacday Marinka Qasa iyo cawaaqibka ka dhashay masiibooyin dabiici ah oo oo dunida ka dhacay, kuwaas oo ay sunaamidii 2004 ka mid tahay “Antonio Guterres wuxuu ku soo beegmayaa xilli ku habboon oo dunida iyo ururka Qaramada Midoobay ba u baahan yihiin,” ayuu yidhi Matthew Rycroft, wakiilka Ingirisika ee UN-ta, sidoo kalena wakiilka Ruushka ee UN-ta Vitaly Churkin ayaa ammaanay xoghayaha cusub ee UN-ta.

Warqoraal ah oo xisbiga Ucid soo saaray ayaa lagu sharaxay aqoonta Eng Faysal Cali Waraabe u leeyahay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay loo qorsheeyay “Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Bogaadiyay Antonio Manuel De Oliveira Guterres oo loo doortay Xoghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay. Gudoomiyaha ayaa Sheegay in Antonio Guterres ay ahaayeen Saaxibo, isla markaana ay ka wada tirsanaayeen Xisbiyada Socialist-ga,” ayaa lagu sheegay warka xisbiga Ucid soo saaray

Qoraalka ayaa lagu xusay aqoonta Eng Faysal u leeyahay Mr Antonio Guterres “Sannadkii 2013-ka ayay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Iyo Xoghayaha Guud Ee Cusub Ee Qaramada Midoobay ku kulmeen Dalka Portugal oo wakhtigaasi lagu qabtay Shirka Ururka ay ku bahoobeen Xisbiyada Socialist-ga .Antonio Guterres wuxuu noqday Madaxweynaha Xisbiyada Socialist-ga oo uu Xisbiga UCID-na Xubin ka yahay,” ayaa lagu yidhi qoraalka

Guddoomiye Faysal Wuxuu ammaanay shakhsiyadda Antonio Guterres oo uu tilmaamay inuu wax ka bedeli doono xidhiidhka Somalilad iyo Qaramada midoobay “Gudoomiyaha ayaa ku sifeeyay Masuulkan nin karti iyo dadaal badan, isagoo u rajeeyay in uu si fiican u gudan doono hawlaha shaqo ee hor yaalla .Geesta kale Waxa uu Gudoomiyuhu rajjo wanaagsan ka muujiyay in uu kor u kac ku iman doono xidhiidhka Somaliland iyo UN-ka,” ayaa lagu sheegay qoraalka xisbiga UCID
Xigasho Wargeyska Warsugan