Bahda Garsoorka Gobollada Galbeedka Somaliland Oo Tusbax Furmay Noqday iyo Sababaha Iscasilaadooda Garsooreyaasha Oo Sheegay Inay Sharciga Ku Difaaci Kari Waayeen Xuquuqda Muwaadiniinta

0
289

Bahda Garsoorka Gobollada Galbeedka Somaliland Oo Tusbax Furmay Noqday iyo Sababaha Iscasilaadooda
Garsooreyaasha Oo Sheegay Inay Sharciga Ku Difaaci Kari Waayeen Xuquuqda Muwaadiniinta

Boorama(Warsugan) Ugu yaraan shan ka mid ah Bahda Garsoorka ee gobollada Awdal iyo Salal ayaa iscasilay Khamiistii iyo Jimcihii. Guddoomiyihii maxkamadda Rafcaanka gobollada Galbeedka ayaa Khamiistii sheegay inuu iska casilay xilkaasi, halka uu Jimcihiina sheegay inuu gabi ahaanba bahda Garsoorka iskaga baxay.Sidoo kalena ilaa 4 Garsoore oo ka tirsanaa maxakamadda gobolladaasi ayaa shalay shaaciyay iscasilaadooda, iyadoo qaar kalena la hadal hayo inay ku daba jiraan.

Guud ahaan sababaha rasmiga ah ee ka dambeeya iscasilaadda xubnahaasi Garsoorka ka tirsanaa ayaanay shaacin, balse waxay ku koobeen dhalliilo ka dhexjira madaxbannaanida Garsoorka. Wargeyska Warsugan oo si gaar ah ula xidhiidhay guddoomiyaha hore ee Rafcaanka wuxuu ku gaabsaday inuu sababahaasi sheegi doono wakhti dambe balse hadda aanu baahin Karin.

Warar madaxbannaan oo wargeyska Warsugan helay ayaa tilmaamaya in kiisas Maxkamaddaha horyaallay ay faro galiyeen masuuliyiin xukumadda ka tirsan oo ka soo jeeda gobolka Awdal, kuwaasi oo ka talaabsaday awoodda Maxkamaddaha, sidoo kalena arrintaasi ay xallin kari waayeen guddida caddaaladda iyo hoggaanka garsoorku.Waxaa sidoo kale jira tuhunno ku saabsan inay danaynayaan ku biirista siyaasadda axsaabta maadaama lagu jiro xilli kala guur ah oo loolanka madaxtinimo iyo dawladda soo socota loo baratamayo.
Garsooreyaasha shalay saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay gabi ahaanba difaaci kari waayeen xuquuqda shacabka “Waxyaabaha caddaalad darradda ugu weyn ah ee Waddanka ka dhacay ee aanu Garsoorka iskaga casillay waxa weeye anagoo ilaalin kari waynay xuquuqda dadka shacabka ah ee aanu cashuurta laga qaado mushaharka u qaadanno. Mar haddaanan ilaalin karayn xaqa muwaadinka oo aanan ku difaaci karayn sharciga dee waxba uma qaban karaynno,” ayaa ka mid ahaa sababaha ay daliishadeen Garsooreyaasha iscasilay.

Waxa kale oo ay tilmaameen in Garsoorku cid gaar ah u xagliyay, islamarkaana dad lagu dulmiyayo“Waxaan iska casilay xilkii aan u hayay Garsoorka, sababtoo ah markii aanu in badan lafo gurney xaaladda Waddanku marayo waxaanu garwaaqsanay inaan lala sii shaqayn Karin Garsoorka Waddanka ka jira iyo hoggaankiisa sareba, sababtoo ah waxaa dhacday in Garsoorkii cidna lagu dhisayo, cidna lagu duminayo,” ayaa ka mid ahaa hadallada Garsooreyaasha iscasilay.

Geesta kalena guddoomiyaha hore ee Rafcaanka gobollada Galbeedka Idiris Faarax Muuse, ayaa sheegay in la faro galiyay Garsoorka Gobollada uu masuulka ka ahaa “Waxaa lumay hannaankii iyo qaab dhismeedkii Maxkamaddaha, waxaa luntay kala dambeyntii Garsoorka oo ay noqotay in cid kaliya uun go’aanku ka go’o oo la dhegaysto, waxay noqotay iyadoo gobolka Caddaadis hore saarna in caddaaladdii Gobolkana la soo faro galiyo oo culays la saaro anagoon faahfaahinayn haddii loo baahdana gadaal ka caddayn doono,” ayuu yidhi Idiris Faarax Muuse.

Garsoorka Somaliland ayaa la majeeranayay muddooyinkii u dambeeyay ee uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Maxkamada sare Aadan Xaaji Cali.Maxkamaddaha ayaa Muranno siyaasi ah xal ka gaadhay, sidoo kalena xalliyay arrimo ku saabsan caddaaladda bulshada, sida ubad la isku haystay iyo dad qaatay laaluush oo xukunno lagu riday. Maxkamaddaha ayaa u muuqda kuwo suullinaya kiisaska daba dheeraada iyo bixinta ama qaadashada laaluushka, hase ahaatee waxaa laga dhur sugayaa soo shaac bixidda sababaha rasmiga ah ee ay ku lug leeyihiin cabashada garsoorka Awdal.
Xigasho Wargeyska Warsugan