Gabadh Somaliland Ka Tahriibtay Oo Rajo La’aanta Nolosha Yurube Ku Kaliftay Inay fooq ISka Tuurto

0
378

Gabadh Somaliland Ka Tahriibtay Oo Rajo La’aanta Nolosha Yurube Ku Kaliftay Inay fooq ISka Tuurto.

Iyadda oo ay wali sii socoto Aafadda Tahriibta ee ay dalkoodii Somaliland ka hayaameen Kumanaanka kun ee qof, ee isugu jira dad dhalinyaro u badan iyo wayeel, ayaa beegsada Wadamadda qaaradda Yurub, dadkan ayaa aaminsan in wadamadaasi fogfog ee ay u hayaameen ay kala kulmayaan Nolol aad uga wanaagsan tii ay markii hore ku jireen, ee dhinaca dhaqaalaha, Nolosha, Caafimaadka Shaqooyinka iyo Waxabarashadaba, taasi oo keeentay in Wadanka Somaliland ka mid noqodo wadamadda kuyaala bariga Africa ee saamaynta ugu badan ku yeelatay Dadka dalkooda ka tahriiba isla markaana ay isugu darsanto xaalado badan oo ay kamid tahay Dhibaatooyinka ay kala kulmaan marka ay gaadhaan qaar kamid ah wadamadda Qaaradda Yurube, waa inta nolol ku gaadhe, iyo in mudada ay ku sii jiraan Safarkaasi Geerida ay kaga baxdo lacag iyo dhaqaale aad ubadan, oo laga yaababa in xataa saamayn ku yeelato ehelka ay cidi ka tahriibtay ama ka haajirtay.

Nimco Muuse Axmed Waa mid kamida dadkii ka tahriibay Somaliland, Hadaba Nimco Maxay Kala Kulantay Markii ay tagtay Qaaradda Yurube ? dhaqaale intee leeg ayaa kaga Baxay Safarkeedii dheera ee ilaa Yurube ? Maxayse Ku dhaqaaqday dhibaato badan oo ay la kulanatay markii ay tagtay qaradda Yurube? Su’aalahani oo dhan iyo kuwa kaleba waxa ka jawaabaysa Nimco Muuse Axmed oo kamida dadkii ka haajiray dhulka Somaliland.

Safarkeeda ay ku tagtay Wadanka Austria, ayaa ka bilaamay Somaliland, iyada oo uga sii gudubtay wadamadda isxig xiga ee Itoobiya, Suudaan, iyo Liibiya, dhibaata badan oo ay kala kulantay safarkaasi waxa ay raacaday Dooni ka shiraacatay xeebaha Liibiya oo ku sii jeeday wadanka talyaaniga waxa Doonidaasi ay la raacaday dad tiiradoodu gaadhayso 350-qof, waxa ay bada ku si jireen Habeen iyo Maalin waxa iyada iyo dadkii doontaasi saarna ay dhamaantood noqdeen kuwo nabad galay, kadib markii uu badbaadiyay Markab laga leeyahay Wadanka Maraykanka oo Geeyay Talyaaniga, waxana ay Talyaaniga uga sii gudubtay Wadanka AUSTRIA, halkaasi oo ay kala kulanatay niyad jab aad u wayan kadib markii ay uqaadan wayaday dhibaatadda ay soo martay iyo halka ay ku danbaysay Xaaladeedu, Nimco oo ka sheekaynaysa niyad jabkii ku dhacay ayaa ku bilawday hadalkeeda “wadankan markii aanu nimi ayaa lanaga qaday (FARO) waxa ladiiday inaanu wadanka ka baxano, sidoo kalena waxa ladiiday in qaxoonti ahaan naloo qaabilo oo wadankani uu diiday qaabilaada qaxoontiga, dhibaato badan kadib waxanalo ogolaaday kaam, aanu u hoyano, anaga oo kunool Baraf iyo duruuf aad u adag, waanan u qaadan wayay arintaasi” iyada oo kasii hadlaya ficil halis galiyay nafdeeda dhibatadaasi badan kadib ayaa waxa ay markale tidhi “ Askar ayaa xili habeena nalaysay oo nagsoo saartay meeshii aanu u hoyanaynay waxanu seexanay banaanka, kadibna waxa aan fuulay oo iska soo tuuray Fooq Sadex Dabaqa, aniga oo markaasi go’aansaday inaan ka dhamaado noloshan cidhiidhiga ah, base waan badbaaday waxana isoo gaadhay dhaawacyo waawayn oo waxa aan ka jabay labadda gacmood iyo Dhabarka”

Nimco Muuse Axmed Gabdhan dhalinyaradda ah ee ka tahariibtay Somaliland waxa ay sidoo kale ka hadashay dhaqaalaha kaga baxay mudadii ay ku jirtay safarkaasi waxanay tidhi “ Cel celis ahaan lacagta igaga Baxaday Safarka waxa ay ka badantahay sideed kun oo doolar, (8.000.Dollar) balse hadii aan islahaa tan ayaa ku qabsanaysa maba soo tageen.

Waxa ay sidoo kale gabdhan dhaliyadda ahi sheegtay in ay ahayd Xaas isla markaana Somaliland kaga tagtay laba caruura oo ay magacaydooda ku sheegtay Aamiin iyo Amiira kuwaasi oo da dooduna kala tahay 2-sano iyo sanad iyo badh, waxanay sheegtay in ay kaga tagtay Hooyadeed iyo ehelkeeda.

Dhibaatadda ay Tahriibtu soo gaadhsiiso Bulshadda Somaliland ayaa ah midaan qiyaas lahayn mana jirto wax u jeedo ama Himilo qaran ah, oo ay ka leedahay Dawladu, balse waxaabad moodaa in ay Moogantay arintaasi, waxana Beryahan danbe Magaalooyinka waaywan ee Somaliland ka dilaacay shabakado isku xidhan oo lagu sheegay (Magafe) kuwaasi oo dadka ku kaxeeya dariiq kasta oo ay u marayaan sidii ay Lacag uga qaadan lahyeen isla markaana ay dalka uga saari lahayeen, mana jirto wax Talaabo ah oo ay qaaday Xukuumadda uu Hogaamiyo Madaxwaynaha Mudada kooban u hadhsantahay ee Mud. Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo).

Jaamac Aadan Maxamed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here