Hadhimo Sharafeed Balaadhan Oo Lagu Maamuusay Xulka Gobolka Sanaag+Sawirada

0
455

Hadhimo Sharafeed Balaadhan Oo Lagu Maamuusay Xulka Gobolka Sanaag+Sawirada

Hargeysa(Warsugannews)-Wasiirul Dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Dr.Maxamed Faarax Ducaale ayaa qado sharaf ku maamuusay Xulka Gobolka Sanaag

Xafladan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay isla markaana ka qabsoonta Golis Hotel Hargeysa ayaa waxa kasoo qayb-galay Marti sharaf aad u tiro badan oo iskugu jirtay ,Masuuliyiin ,Madax-dhaqameed ,Siyaasiyiin iyo Marti sharaf kale Ugu horeyn waxa madasha hadalo kooban kasoo jeediyeyIsku duwaha Ciyaaraha ee Gobolka Sanaag Md. Maxamed Siciid Saalax oo aad ugu mahadnaqay Wasiirul Dawlaha Wasaarada Macdanta iyo TamartaDr.Maxamed Faarax Ducaale oo uu uga mahadnaqay casuumada qado sharafta ah ee uu ku maamusay xulka Gobolka Sanaag isagoo isla markaasina usoojeediyey xubnaha kale ee xukuumada iyo GolayaashaQaranka inay sidanoo kale uga warhayaan xulka gobolka ay kasoo jeedaan ee sanaag Sidoo kale waxa isna madasha hadalo kooban oo dhiirigalin iyo mahadnaq isugu jirta kasoo jeediyey Xildhibaan Maxamuud Warsame Jaamac oo ah xildhibaanka ugu da’da yar Xildhibaanada Golaha DeegaankaCeerigaabo isla markaasina ka mida Xildhibaanada sida weyn ugu dadaala horumarinta dhalinyarada Gobolka Sanaag maadaama oo uu ka tirsan yahay isaguba

Sidoo kale waxa isna madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Maayarka Degmada Qadiimka ah ee Maydh prof. Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh isaga oo ku dheeraaday muhiida ay leedahay dhiirigalinta Ciyaartoyga iyo Dhalinyaradu isla markaasina aad ugu mahadnaqay Daawo Wasiirul Dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Dr.Maxamed Faarax Ducaaleqado sharaftan miisaanka leh ee uu ku maamusay Xulka Gobolka Sanaag isagoo isla markaasina Wasiirka usoojeediyey inuu sii wado dadaalada uu ku dhiirigalinaayo xulkan iyo guud ahaan dhalinyarada gobolka,isagoo sidoo kalena madasha ku gudoonsiiyey Qalab Sports oo isugu jiray kabo iyo diraysyo oo ay kusoo hagaajiyeen Qurbajooga Gobolka Sanaag kuwaas oo ay ugu talogaleen xulka gobolkooda Sanaag

Dhinaca kale waxa isna madasha hadalo taariikhiya kasoo jeediyeyAbwaanka caanka ah ee Axmed Saleebaan Bide oo kamid ahaa ciyaar-yahanadii waayahii hore ee Gobolka Sanaag isagoo isla markaasi kasheekeeyey taariikho badan oo ay soo mareen waqtiuu isago numberka sagaalaad uga safan jiray Xulka Gobolka Sanaag

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Gud.Maxamud Cabdi Falaay ayaa isna hadalodhiirigalin iyo dardaaran ah oo uu usoojeediyey xulka goobolkiisa isagoo isla markaasina u mahadnaqayWasiirul Dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Dr.Maxamed Faarax Ducaale hadhimo sharafeedauu ku maamuusay xulka Gobolka Sanaag isagoo isla markaasna u mahadnaqay qurbajooga gobolka Sanaag ee Xulka usoo diray qalabka iyo direyskamiisaanka leh ee madasha loogu qaybiyey

Gabagabadiina waxa madashan soo gunaanadayWasiirul Dawlaha Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland Dr.Maxamed Faarax Ducaale isagoo isla markaasina Xulka usoo jeediyey inay isku duubnaadaan isla markaasina u midoobaan guushakuna dadaalaan akhlaaqda wanaagsan iyo wadashaqaynta teamka

Cas0

Cas1

Cas2

Cas3

Cas4

Cas5

Cas6

Cas7

Cas8

Cas9

Cas10

Cas11

Cas13

Cas14

Cas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here