Gantaalo Lagu Garaacay Safaaradda Dalka Mareykanka ee Ciraaq

0
317

-Gantaalo ayaa lagu garaacay  safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Duqeynta lala beegsaday Safaaradda oo ku taalla aagga cagaaran ee sida gaarka ah loo ilaaliyo.

Gantalo lagu sheegay tiradooda Siddeed gantaal ayaa lala beegsaday Saafaradda oo ku taalla Caasimadda Dalka Ciraaq ee Baqdaad, waxaana la sheegay in uu jiro khasaaro baahsan oo soo gaadhay dhismaha Safaaradda.

Wali lama shaacin dad ku waxyeeloobay Gantaalada lagu tuuray Safaaradda, balse waxaa jira inay gabi ahaanba bur-bureen dhismayaashii Safaraadadda mareyukanka ee Baqdaad.

War kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu xaqiijiyay in Gantaalaha lagu weeraray Safaaradda, basle ma sheegin Khasaaraha Nafeed eek a dhashay weerar kaasi Gantaalaha loo adeegsaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here