Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Xubnaha Shirka Golaha Dhexe Ee Qaban Qaabada Shirweynaha Xalka Looga Dhigay Khilaafkooda

0
503

Garabka Jamaal Cali Xuseen Oo Magacaabay Xubnaha Shirka Golaha Dhexe Ee Qaban Qaabada Shirweynaha Xalka Looga Dhigay Khilaafkooda

Hargeysa (Warsugan) Garabka uu hogaaminayo Jamaal Cali Xuseen ayaa soo saaray xubnaha guddiga qaban qaabada shirweyanaha xisbiga UCID ee saldhiga u noqon doona khilaafka mudada dheer soo jiitamayey ee u dhaxeeya labada garab.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xisbiga UCID gaar ahaana garabka Jamaal Cali Xuseen oo uu ku saxeexan yahay gudoomiye ku xigeenka saddexaad mudane, Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxaana qoraalkan lagu socodsiiyey gudoomiyaha maxkamada sare, guddiga diiwaangelinta ururada siyaasada.

Nuqul ka mid ah oo soo gaadhay xafiiska Wargeyska Warsugan ayaa lagu yidhi “Anigoo tixraacaya Xukunkii Maxkamadda Sare ee MS/1/43/2016 ku taariikhaysnaa 25/09/2016 iyo Go’aankii Gudida Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda Iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ee G/D/U/AA/3/229/2016 kuna taariikhysnaa 21/07/2016
Waxan halka idiinku soo gudbinayaa liiska magacyada xubnaha Gudida Qabanqaabada Shirwaynaha UCID dhinaca Musharaxa Jagada Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen oo kala ah:

1. Aaden Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Diirye
2. Xuseen Caynaan Faarax
3. Xuseen Xasan Badmaax
4. Aadan Cali Yoonis
5. Cali Maxamed Xasan
Wa Bilaahi Tawfiiq
Cali Maxamed Yussuf
Gudoomiye-xigeenka 3aad

Xigasho Wargeyska Warsugan