Degaanka Dalow Ee Gobolka Saaxil Oo Roobab Da’ay Sababeen Dhimashada Xoolo Lagu Qiyaasay Kumanaan

0
391

Degaanka Dalow Ee Gobolka Saaxil Oo Roobab Da’ay Sababeen Dhimashada Xoolo Lagu Qiyaasay Kumanaan

Madheera (Warsugan) Degaanka Dalow ee degmadda Madheera roobab ka da’ay ayaa khasaare gaadhsiiyey dadka xoolo dhaqatada ah ee degaankaas, waxaana ka leeday xoolo lagu qiyaasay ku dhawaad boqol kadin.

Roobkan ayaa ah watay qabow iyo dabayl sababay bakhtiga xoolaha oo tarab tarab noqday, waxaana arrintaasi ka hadlay dadka degaanka iyo maamulka gobolka Saaxil. Saleebaan Faarax Cabdi oo ka mida dadka degaanka ayaa ka war bixiyey xoolaha ku leeday degaanka Dalow ee gobolka Saaxil, waxaanu yidhi “Xoolahan malagoodii ayaa galay xoolaha marka hore abaar ayaa dishay iyadoo abaartu dishay ayaa hadana roobkaa yara qaboobi helay way dhinteen, buuraha dushooda, banaan iyo beel kasta weeyi, waxa nooli rajo ma leh waa meyd sidaas u taagan”

Dadka degaanka ayaa sidoo kale mar kale ka hadlay xaalada soo food saartay ee ah inay ka baxaan xoolihii ay dhaqanayeen, waxaanu yidhi mid ka mida dadkaasi “Xooluhu iyaga oo iska taag-daran imikana waxa helay roob laxaadleh xoolaha badankoodu way dhinteen wax yar ayaa nool waxa noolina rajo ma laha, dadka laftiisu way raaceen xoolahoodii oo way awood daran-yihiin markaa bulshada rayidka ah iyo dawladaba waxa aanu gaadhsiinayna inay ka war hayaan ummada meesha taala”

Gudoomiyaha gobolka Saaxil oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa ka war bixiyey xaalada xoolaha ka baxay dadka degaanka, waxaanu yidhi “Roobkii helay oo ilaa shan saacadood da’ayey ayaa xoolaha fara badan ee meydkooda dul taaganahay laa’yey xoolaha badidooda waxaa qaaday daad, dadka reer Somaliland gaar ahaan gobolka Saaxil waxa aan ganacsatood iyo shacbigooda aad uga codsanaya dadweynaha reer Dalow ee walaalhood ah in wixii ay ku soo tari karaan ee karaan kooda ah ay ku soo taraan, maamul ahaana wixii aanu u qaban karno insha Allahu waanu u qaban”

Xigasho Wargeyska Warsugan