Wasiir Cabdillaahi Dheere Oo Dhagax Dhigay Maktabadda Gaandi Oo Laga Dhisayo Dugsiga Sheekh Bashiir

0
673
????????????????????????????????????

Wasiir Cabdillaahi Dheere Oo Dhagax Dhigay Maktabadda Gaandi Oo Laga Dhisayo Dugsiga Sheekh Bashiir

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka wasaaradda waxbarashada Somaliland, mudane Cabdillaahi Ibraahin Habbane, ayaa shalay dhagax dhigay Maktabadda Gaandi oo laga dhisayo qayb ka mid ah dhulka Dugsiga facaweyn ee Sheekh Bashiir. Gaandi ayaa hore uga binaysnaa Saldhiga dhexe ee Hargeysa dhinaciisa, balse dhulkaasi dawladdu lahayd oo loo baahday kadib lagu wareejiyay dugsiga dawliga ah ee Sheekh Bashiir.

Axmed Yuusuf Ismaaciil Gaandi, oo gacanta ku haya maktabadda Gaandi ayaa ka hadlay munaasibadda dhagax dhiga Laybareeriga “ Maktabadda Gaandi, dawladda Somaliland oo Madaxweynuhu ugu horreeyo ayaa soo bedelay oo halkii uu 18 sanno ka dhisnaa ka soo raray una soo wareejiyay halkan la dhagax dhigayo. Dugsiga Sheekh Bashiir cidna lagama iibinayo magaciisana lagama bedelayo, waana Illaahay mahaddii in wasiirka iyo maamulaha dugsigu ka hadlayaan madasha,” ayuu yidhi Mudane Axmed Gaandi.
Maamulaha dugsiga Sheekh Bashiir Marwo Khadra, ayaa madasha ka sheegtay in Maktabaddu kaabayso culuunta ka socota dugsiga “ Laybareeriga Gaandi, aad iyo aad baanu u soo dhaweynaynaa, Ardayda iyo dadweynuhuba way ku faraxsan yihiin, Dugsiga Sheekh Bashiir waa dugsi loogu hor dhisay Hargeysa, waa dugsi cid wax ku darta mooyee cidna waxba ka dhimi Karin,” ayay tidhi Maamule Khadra.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa si dadban uga jawaabay durriyaddii Sheekh Bashiir oo ka soo horjeeday dhismaha Gaandi, waxaanu sheegay in halkii laga soo raray iyo halka loo soo rarayba dawladdu leedahay “Dawladdaa wax walba ka masuul ah; halkan dawladdaa leh, halkaana dawladdaa lahayd, anaguna amar madaxweyne ayaanu ku shaqaynaa, amarkii Madaxweynaha ayaana bogcaddan lagu dhagax dhigayaa,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirku wuxuu intaasi raaciyay inaanay jirin cid danno gaar ah lihi ka faa’iidaysan bixinta dhulka Gaandi, sidaas darteedna loo baahan yahay in madaxda qaarkood iyo dadka diidan sidaasi u fahmaan “Arrinta ku saabsan magaca Dugsiga, Sheekh Bashiir (AHUN) wuxuu ahaa halyay reer Somaliland ah, waxaa loogu magac daray dugsi yar oo Ingiriiskii inooga tagay ayaa dawladdaheenii u bixiyeen, dugsigiina wuu sii kordhay, magaciisii waa sidii, Gaandi Library ayaa ku soo kordhay, waxbarashada Ardayda iyo akhriska Maktabaduna ma kala maarmaan,” ayuu yidhi wasiirku.

Xigasho Wargeyska Warsugan