Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Soo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Ee Xunbo Weyne

0
305

Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Guurtida Oo Soo Kormeeray Mashruuca Biyo Balaadhinta Caasimada Ee Xunbo Weyne

Hargeysa(Warsugan) Gudida ee golaha Guurtida Somaliland ayaa kormeer ku tagay halka laga wado biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa waxaana mudanaayaasha hor kacaayey islamarkaana gabi ahaanba kusoo wareejiyey goobaha shaqadu ka socoto isagoo goob goob usoo tusay Xildhibaanada meelaha shaqadu sida tooska ah uga socoto.

Qaar kamida Xildhibaanda Golaha guurtida ee kormeerka ku tagay goobaha ay ka socoto hawsha biyo balaadhinta Caasimadda Hargeysa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay indhahooda kusoo arkeen hawl socota oo baaxadeeda leh islamarkaana maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa ku amaanay hanaankiisa shaqo iyo siday uu u socdo mashruuca biyo balaadhintu waxa uu xuseen inay goobaha shaqa ay ka socoto shaqo baaxad leh taasi ay ku sifeeyeen inay haboon tahay in loo garaabo shaqaalaha iyo masuuliyiinta ku guda jira shaqadaasi.

Mudanayaashan ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliand waxa ay ka dhawaajiyeen in loo dul qaato islamarkaana ay rajaynayaan inay caasimadda hargeysa biyuhu soo gaadhi doonaanan sanadka cusub, waxaana ay dhanka kale xuseen inay jirto caqabado ay ka mid yihiin dhagaxa adag ee dhagax madowga ah
Ibraahim Siyaad Yoonis Maareeyaha Wakaalada Biyaha Somaliland ayaa barbixin faah faahin siiyey Gudidaasi Xildhibaanada ” Shaqada saaka (Shalay) waxaan kasoo bilownay Berkeda Chineska lagu magacaabo, waxa isi soo toognay ilaa saddex afar goobood oo ah meelaha Janbarada laga dhisayo ah imika waxaynu joognaa halkii u danbaysay oo ah Kaamka Geed Deebleh ilaahay waxaa ka baryeynaa inuu hawshaa nagu guuleeyo, hawshaa waxaa qaadheenkeeda bixiyey labada qaadhaan bixiye Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) iyo Midowga Yurub waxaana fulinaysa oo gacanta ku haysa hawsha Hay’adda UN Habitat, shaqadan waxaa ilaalinaysa Shirkad Jarmal ah”

Si Kastaba ha ahatee mashruucabiyo balaadhinta Caasimadda hargeysa ah mashuurc ay in badan shacabka reer hargeysa u dheg taagyeen iyado la rajaynaayo in dadka caasimadu ka baxaan baahida biyo la’aanta islamarkaana ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan .

Xigasho Wargeyska Warsugan