Guddida Mihnad Layaasha Caafimaadka Somaliland Oo Digniin Soo Saaray una digay Ajaanibka Dalka kaga hawlgala Dhakhtarnimada

0
361

Guddida Mihnad Layaasha Caafimaadka Somaliland Oo Digniin Soo Saaray

Hargaysa(Warsugannews)- Guddida Mihnad layaasha caafimaadka ayaa Shirjaraa’id oo ay Hargeysa ku qabteen waxay digniino ugu diray cidkasta oo adeegyo caafimaad bixisa oo aan ka diwaangashanayn guddidaasi.
Axmed Xaashi Oday, guddoomiyaha guddidan ayaa sheegay in guddida ujeedada loo sameeyay tahay ilaalinta tayada caafimaadka, waxaanu sheegay in guddidiisu awood u leedahay faro galinta cidkasta oo qabata adeegyo caafimaad hadday tahay mid waxbarasho ama mid daaweyneed.

“Guddidu waxay awood u leedahay in uu galo goob kasta oo caafimaad si ay u hubiyaan in shaqadeeda iyo dhaqaalaheedu waafaqsan yihiin xeerka mihnadaha caafimaadka, inuu anshax mariyo hawl wadeennada iyo goobaha caafimaadka mid gaar ah iyo mid guudba ama mihnad-layaasha caafimaadku go’aan ka gaadhi karaan, guddidu waxa uu awood sharci u leeyahay ogolaansho siinta iyo ka qaadista goobaha adeegyada wax-barashada iyo barnaamijyada caafimaadka bixiya,” ayuu yidhi Mr Oday.
Guddoomiye Oday oo ka hadlaya dhawr qodob oo guddida u qabsoomay waxa uu yidhi “Komiishanka waxa ilaa hada u suuro gashay inuu diwaan Galiyo 2150 Qof oo shaqaale caafimaad ah oo isugu jira muwaadiniin iyo ajanabi,waxa uu komiishanku ruqsad shaqo siiyay 51 qof kuwaas oo ah kuwa kaliya ee sifo sharci ku shaqeeya,komiishanka waxa u suurto gashay inuu qiimayn ku sameeyo 5 jaamacadood oo dhiga cilmiga caafimaadka iyo 12 cusbitaal kuwaas oo ku kala yaal Gobolada Dalka”.
Mr Oday ayaa digniin u diray dadka aan iska diwaangalin guddidan “Somaliland waxa ku sugan Dhakhaatiir iyo shaqaale Caafimaad oo ajanabi ah kuwaas oo ka hawl gala Xarumaha Caafimaad ee Gobolada iyo Degmooyinka Somaliland,kuwaas oo Tiradoodu aad u badan tahay,qaar ka mid ahi may soo gudbin Waraaqahoodii iyo shahaadooyinkii caafimaad ee ay siteen,waxaana loogu baaqayaa inay Cadayntooda Caafimaad ku soo gudbiyaan,Muddo ku siman Saddex Bilood oo ku eeg 31 December 2015-ka,cidii Soo gudbin wayda Talaabo sharciga waafaqsan ayaa laga qaadi Doonaa.”.
Guddidan ayaa muddooyinkii u dambeysay dardar galinaysay ilaalinta tayada Caafimaadka Somaliland, waxaanay hore u hubisay una mamnuucday xayaysiinta goobaha caafimaadka ee aan guddidani hubin, waxaanay saxaafadda ugu baaqeen inay ka taxadaraan dadka farrimaha caafimaad u gudbiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here