DAAWO SAWIRADA XARAKADA AL-SHABAAB OO SOO BANDHIGAY SARGAAL AY GACANTA KU DHIGEEN.

0
423

DAAWO SAWIRADA XARAKADA AL-SHABAAB OO SOO BANDHIGAY SARGAAL AY GACANTA KU DHIGEEN.

Shabeelaha Hoose(Warsugannews) Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sargaal la sheegay in uu ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada xooga dalka Soomaaliya ee ka howlaga Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Afgooye.

Sawiro iyo qoraalo lasoo dhigay Bogaga Internetka ee Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Gaashaanle Maxamed Xaaji Cali , oo katirsanaa Ciidanka xooga dalka Soomaaliya, waxaana sargaalkan lagu soo qabtay howlgal ay ciidamo Al-Shabaab ka fuliyeen Duleedka Degmada Afgooye.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sidoo kale soo bandhigay Gaari Nuuciisu yahay Kaarib oo uu watay sargaalka ay soo qabteen , ma jiro wax war ah oo ila hada kasoo baxay Taliska Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo xaqiijinaya Sargalakan Shabaab soo bandhigeen in uu katirsanaa taliskooda.

1cb9d981

7d288f6d

728d8122

a3bbbbdf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here