MARKAANU ISKU NOQONAY MUSHARAXA AY RER SOMALILAND OO DHAMI NALA QAADANAYAAN WAA MAXAMED BIIXI YOONIS”. SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SUBEER AWAL

0
404

MARKAANU ISKU NOQONAY MUSHARAXA AY RER SOMALILAND OO DHAMI NALA QAADANAYAAN WAA MAXAMED BIIXI YOONIS”. SULDAANKA GUUD EE BEELAHA SUBEER AWAL

Hargeysa(Warsugannews):- Suldaanka Guud ee Beelaha Subayr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa si rasmiya u shaaciyay in Beeshu sixitaan ay samaysay kadib ay isku raacsantahay in Musharax Maxamed Biixi Yoonis yahay shakhsiga guud ahaan ay isku raacsan yihiin, isla markaana ah Musharax ummadda kale la qaadatay bari ilaa galbeed.

Sidaana wuxuu ku sheegay Xaflad blaadhan oo lagu qabtay Huteelka Carown taas oo qayb ka ahayd soo dhawayntii la yaabka lahayd ee Maanta Hargaysa loogu sameeyay.

“Waxa jiray go’aan hore oo sinbiririxasho ahaa ayaa iga soo baxay, Waxaad ogtihiin in Marka wax sharciga ka khaldamaan inuu Guddoomiyaha Maxkamada Sare sixitaan sameeyo, ana maanta sixitaankii ayaan sameeyay. Hadaanu Madax dhaqameed nahay xog ayaanu ku shaqaynaa, markaanu xogtii dadkayaga helnay go’aan kaas halkaas ayaan ku laalay, Xog la helyaaba tallo la hel ayay Soomaalidu ku maah maahda. ” Sidaa waxaa yidhi Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan. Suldaanka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi

“Golaha dhexe ayay ku tartamayaan nimankii Musharaxiinta aha, Maxamed Biixi Yoonis waa nin aqoonyahan ah oo aynu ognahay halkuu Caalamka ka gaadhay, habeen ilqaloocan igumu soo eegin markii xitaa xagtintaa yari ku dhacday ee gar darada ahi nabarkaa gardaro, habeen walba qalbi furnaan ayuu ii muujinaayay ilaa intii go’aankan danbe ee dibu eegista ah laga samaynaayay. Waxaan ku talinayaa in Golahaas dhexe ee Xisbiga si cadaalad ah loogu tartamo, oo aan beelahayaga lagu soo celin oo aqoon lagu doorto dadka, cadaaladana la sugo. “

Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan oo ka hadlaaya sida laysugu raacay Musharaxnimada Maxamed Biixi Yoonis wuxuu yidhi. “Maanta waxaad halkan ku arkaysaan labadayadii Suldaan ee ugu waa weynaa dalka Somaliland ayaa ilaa saaka gacmaha haynay Maxamed Biixi Yoonis, waxaan leeyahay waar yaadhaheen dee Sawirkaas ayaa wax inoogu filan, Maxamed Biixi Yoonis waa nin daacad ah oo dalka daacad u ah oo qalbi wanaagsan alle haku guuleeyo”. Sidaa waxaa yidhi Suldaanka guud ee Beelaha Subayr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here