Guddida Tallo iyo Tawfiiq oo Cambaareeyey Xadhiga Suldaan Mawliid Sabbeyso, Xukuumaddana Ugu Baaqay In Ay Si Deg Dag Ah Ay U Sii Dayso

0
445

Guddida Tallo iyo Tawfiiq oo Cambaareeyey Xadhiga Suldaan Mawliid Sabbeyso, Xukuumaddana Ugu Baaqay In Ay Si Deg Dag Ah Ay U Sii Dayso
Hargeysa(warsugannews):-Qaar ka mid ah madax-dhaqameedka iyo odeyada guddida tallo iyo tawfiiq ee Beelaha dega Galbeedka Burco, ayaa si adag u cambaareeyey xadhiga ay xukuumaddu u gaysatay Suldaan Mawliid Sabbeyso oo ay dhawaan xabsiga u taxaabtay ka dib markii uu ka hadlay mooshinkii Haamaha ee sababay dagaalkii gacan ka hadalka ahaa ee dhex maray guddoomiyaha golaha Wakiilada iyo ku xigeenkiisa 1aad, waxaana ay wax laga xumaado ku tilmaameen qaabka loo xidhay, iyaga oo tilmaamay in loo soo qabtay qaab argagaxisnimo oo aan loo eegin milgaha iyo sharafta ay leeyihiin madax-dhaqameedku.
12022010_916105558469575_825467514_n (1)

Odeyadan, ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay maanta ku qabteen hudheelka Kaamil ee Hargeysa, waxaana ay xukuumadda ugu baaqeen in ay si deg dag ah u sii dayso Suldaan Mawliid Sabbeyso iyo sida oo kale Boqor Raabi Cabdillaahi oo isna muddooyinkii dambe xidhnaa.
omjuu.

“Halkan waxa aan ku fadhinnaa odeyaashii beel weynta Habar Yoonis oo uu hoggaaminaayo guddoomiyahii guddida Tallo iyo Tawfiiq, waxa aan doonaynaa in aanu ka hadalno waxa ka dhacay guriga sharafta leh ee Subeyr Awal oo ah weerar argagaxisnimo oo lagu qaaday gurigaas oo ah weerar xornimada ka baxsan, guriga waxa fadhiyey Suldaankii guud ee beelaha Subeer Awal, annaga cirka iyo dhulka waa uu nagala weyn yahay, ninka ciyaar u haystoow annaga Saldanadda Subeer Awal cirka iyo dhulka waa ay nagala weyn tahay, nin Allaale iyo ninkii halkaas wax yeela ama ku gefa waa nin Somaliland oo dhanba wax yeelay. Arrinkaas qaadan mayno, wax aan halkan ka cambaaraynaynaa xadhiga xurmo darrada ah ee Suldaan Mawliid Sabbeyso, haddii Mawliid lagu xidhay run uu sheegay ninka xidhay waxa uu doonayaa been iyo wax kha khal ah. Waxa aan qabnaa in ninkii soo xidhay ee qoriga ku weeraray guriga Saldanaddu in uu khal khal wado oo annaga ayaa madaxdii dhaqanka ah oo qaadan mayno arrinkaas.”.Ayuu yidhi Jiif Caaqil Cabdi Guuleed.
kkk
Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Jaamac oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaana aan si deg dag ah oo ah 24kii saacaddood ee ay beeshu u qabatayna ah, in lagu sii daayo ayaanu ku baaqaynaa oo aanu soo jeedinaynaa iyo sida oo kale boqor Raabi oo isna ka horeeyey.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here