Guddiga Qandaraasyadda qaranka Oo Shaaciyay Shirkaddaha Ku Guulaystay Afar Mashruuc Oo Ay Hore U Shaaciyeen

0
246

Afartan mashruuc oo kala ah:

  1. barnaamijka isku xidhka hay’addaha iyo wasaaradaha dawladda oo ay ku soo tartameen afar shirkadood ah oo kala ah Somtel, Telesom, So iyo GTS waxaana ku guulaysatay shirkadda Somtel.
  2. dhisme lagu kordhinayo cisbitaalka degmada Gar-adag oo ay ku soo tartameen 17 shirkadood waxaana ku guulaystay shirkadda BIG BOSS.
  3.  Dayactirka dhismaha xeer ilaalinta qaranka waxa ku soo tartamay 13 shirkadood waxaana ku guulaysatay shirkadda Qasri construction company.
  4. Qalabaynta 12 dugsi oo hore looga dhisay gobollada dalka waxa ku soo tartamay 7 shirkadooda waxaana ku guulaysatay shirkadda Colorzone.

Guddoomiyaha guddiga qandaraasyadda qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa shirkadaha ku guulaystay mashaariicdan kula dardaarmay inay u fuliyaan sida ugu haboon waxaanu sheegay in ka guddi ahaan ay ku daba gali doonaan.

Dhankooda waxa iyaguna halkaasi hadlay shirkadihii ku tartamayay mashaariicdan kuwii ku guulaystay iyo kuwii lagaga guulaystayba iyaga oo sheegay inay ku faraxsan yihiin tartanka.

Halkan hoose ka DAAWO Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here