Guddoomiyaha Guurtida Oo Xildhibaanada Ugu Baaqay Inay Ka Qayb Qataan Diiwaangalinta golahana u balan qaaday inuu gudiyada isku shaandhayndoono

0
434

Guddoomiyaha Guurtida Oo Xildhibaanada Ugu Baaqay Inay Ka Qayb Qataan Diiwaangalinta golahana u balan qaaday inuu gudiyada isku shaandhayndoono

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha Guurtida Oo Xildhibaanada Ugu Baaqay Inay Ka Qayb Qataan Diiwaangalinta
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamed Aadan, ayaa Xildhibaanada Guurtida ugu baaqay inay ka qayb qaataan wacyigelinta Diiwaangelinta, xaalada abaareed iyo xaalada nololeed ee dadku ku sugan yihiina ay warbixin ka keenaan.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamed Aadan oo kalfadhigii shalay ka hadlay ayaa sheegay in Golaha Guurtidu uu galay fasixiisi caadiga ahaa oo ah muddo laba bilood, waxaanu tilmaamay inay isku shandhayn ku sameeyn doonaan Guddi hoosaadyada Golaha inta fasax lagu jiro, waxaanu yidhi “Madaama Golihii kale fasax galay, inagana wax yari inooga hadhsan yahay muddadiiba, waxa ay ila tahay wey dhamaatay inana aynu fasax galno, Siyaasiyiina waad tihiine, Siyaasi fasax ma leh, mar walba wuu shaqaynayaa, hawsha qarankuna mid dhamaata maaha, haddana nasashadu wey eegtahay, idinka oo nasanaya hawshii waa inay inoo qabsoontaa, haddana waxa ugu weyn ee la wadaa waa Diiwaangelintii, waana ay fiicantahay in fasixii iyo Diwaangelintii oo lagu jiraa inay isku hagagaan,waana ka qayb galaynaa, Diiwaangelinta wacyigelinteeda weynu ka qayb galaynaa, Guddiyaal aynu hadda diraynaa ma jiree, nin walba meesha aad joogta ka qayb gal, nin walba Gobol, Degmo iyo Dalbaad matashaye waa lagu noqonayaa, waana in Deegaankii laga hawl-galaa, wacyigelinta dadkana waa in xaaladooda la ogaadaa oo laga soo waramaa”.

Guddoomiyaha Guurtida ayaa mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa yidhi “Anigu abaar odhan maaye, laakiin Roobabku ma fiicna Sannadkan, inaynu xaalada ka soo warano waa muhiim, inaynu dadkeenii ku noqono oo xaalada ka soo warano waa muhiim, wacyigelinta diiwaangelintana waa lagu jiraaye kala qayb galno,waxa aan arkaayey Axsaabtii oo ordaysa ayaan arkaayey ee inana aynu orodno, fasaxu waxa uu noqonaya laba bilood,waxaynu soo galaynaa 22/3/2016, maalinta aad fasaxa gashaan anaguna Guddi hoosaadyadii waanu galaynaa, waana isku shandhaynanaa Guddi hoosaadyadii, waana inoo soo noqoda iyo fasax wanaagsan”