Maroodi Waabasho Kuma leexdo, Khilafka Ucidna waa mid Dibada nooga Yimid”Jamal Cali Xusen

0
427

Maroodi Waabasho Kuma leexdo, Khilafka Ucidna waa mid Dibada nooga Yimid”Jamal Cali Xusen
Murashax Jagada madaxtinimada ee Xisbiga Mucaaridka Ucid Jaamal Cali Xussen ayaa sheegay in Khilaafka Xisbiga ucid ka jira laga hagayo Dibada, inkasta oo aanu si cad u sheegin cida uu u tuhun san yahay in khilaafkaasi ay waddo.

Jamal Cali Xussen oo ku Sugan Magaalada Boston ee dalka Maraykanka ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Sixir bararka naafeyey Illaha dhaqaalaha Somaliland waxanu tilmaamay in aanay waxba ka qabanayn sixir bararka gudiyo la magacaabo.

Jaamal oo ka hadlay Arrinta Xisbiga ucid waxa uu yidhi. “Aniga golihii dhexe ee Ucid baa I doortay sidaasna ku ahay Murashax xisbiga, faysal waa Guddoomiye, Somaliduw axay ku maahmahada Maroodi Waabasho Kuma Leexdo, Khilaafka ucidna Waa mid Dibada nooga yimid, waxanse ku sheegayaa in khilaaf dhexdeyada ka jir aanu jirin”Ayuu yidhi jamal.