Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo La Kulmay Jaalliyadda Somaliland ee magaalada Orebro, dalka Sweden

0
313

Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland oo La Kulmay Jaalliyadda Somaliland ee magaalada Orebro, dalka Sweden

Orebro(WARSUGANNEWS)Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland Mudane Cabdi Cabdillaahi Xirsi oo ku gudo jira safar shaqo uu ku marayo jaalliyadaha Somaliland ee ku dhaqan wadamada Europe qaarkood ayaa maanta la kulmay jaalliyadda deggan magaalada Orebro ee dalka Sweden.

Gudida, iyo dadweyne ka mid ah qaybaha bulshada ee kala duwan ee jaalliyadda Somaliland ee magaalada Orebro ee dalka Sweden ayaa xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladaas ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Cabdillaahi Xirsi ayaa xafladdaas ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay horumarka dalka jamhuuriyadda Somaliland iyo kaalinta weyn ee qurbajooggu kaga jiraan dhinacyada dhismaha, ganacsiga, maalgashiga, dimuqraadiyadda, afkaarta, aqoonta shaqo iyo waaya aragnida ay dalka ku soo celinayan, sidaa awgeedna ay dawladda Somaliland ahmiyad siinayso dhirrigelinta doorka qurbajoogga Somaliland.

Guddoomiye Cabdi Cabdillaahi Xirsi ayaa ku dardaaray dadka qurbajoogga ah iyo guud ahaan jaalliyadaha somaliland inay xoojiyaan isku duubnidooda, iskaashigooda, wadajirkooda iyo ka midaysnaantooda ololaha ictiraaf u raadinta qadiyadda madaxbannaanida Somaliland iyo danaha qaranka guud ahaan. Guddoomiyuhu wuxu tilmaamay inay kala taageersanaanta axsaabta qaranku tahay aragti dimuqraadi ah Somaliland oo qofkasta oo muwaadin ahi taageeri karo Xisbiga uu isagu ku qanco taasoo lagu kala duwanaan karo balse isku aragti iyo isku mawqif laga wada ahaado qaranimada Somaliland lagana feejignaado waxkasta oo waxyeeli kara midnimada iyo wadajirka umadda Somaliland.

Dadweynaha xafladda ka soo qaybgalay ee jaalliyadda Orebro ee Sweden ayaa su’aalo kala duwan madasha ku waydiiyay Guddoomiyaha waxanu uga jaawabay Guddoomiyuhu si qancisay dadkii su’aalaha waydiiyay.

Socdaalka uu Guddoomyaha Wakaaladdu ku marayo jaalliyadaha Somaliland ee dalalka Europe iyo wadamada dibadda guud ahaan ayaa ujeedadiisu daarantahay wacyigelinta midnimada, wadajirka iyo waxtarka qurbajoogga Somaliland, kor u qaadida doorka qurbajoogga, adkaynta xidhiidhka jaalliyadaha, wadatashiga iyo wada shaqaynta ay leeyihiin Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland iyo guud ahaan dawladda.

Guddoomyaha Wakaaladda Qurbajooggu wuxu hore ula soo kulmay jaalliyadaha Malmo iyo Jonkopin, dalka Sweden iyo jaalliyadda Somaliland ee Copenhagen, Denmark.
Source: Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland
Email: sldaexecutive@gmail.com / sldiasporagency@gmail.com
Hargeisa, Somaliland,
20151128_224105

20151128_224103

20151128_223308

20151128_213707

20151128_213703