Guddoomiye Cirro Oo Addis Ababa Lagu Soo Dhaweeyay

0
636

Guddoomiye Cirro Oo Addis Ababa Lagu Soo Dhaweeyay

Addis Ababa(Warsugannews)Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa shalay si diiran loogu qaabilay garoonka diyaaradaha ee Bole International Airport ee magaalada Addis Ababa kadib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay dawlada Federalka Ethiopia.

Weftiga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ayaa markii uu ka dagay Addis Ababa waxa qaabilay oo kaga hor-yimid saraakiil sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada iyo xubno ka socday Baarlamaanka Federalka ee dalka Ethiopia.

Socdaalkan Guddoomiye Cirro uu ku tagay dalka Ethiopia ayaa la sheegay inay qaadan doonto mudo afar maalmood ah, waxaanu kulamo kala duwan la yeelan doonaa mudada uu ku sugan yahay Addis Ababa, Raysal Wasaaraha, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Madaxda Wasaarada Arrimaha Dibada ee dalka Ethiopia iyo Diblomaasiyiinta dalalka Caalamka u fadhiya magaalada Addis Ababa.

Waxaa la filayaa inay ka wadahadlaan xaalada guud ee Somaliland gaar ahaan dhinaca nabadgalyada iyo qaddiyadda Madaxbanaanida Somaliland. Sidoo kale waxa kulamadaasi si weyn loogu gorfayn doonaa hanaanka dimuqraadiyada iyo udiyaargarowga doorashooyinka ku soo foolka leh Somaliland

Safarkan Guddoomiye Cirro uu ku gaadhay dalka Ethiopia ayaa ka dhashay xidhiidh iskaashi dhaw oo uu la leeyahay dalalka jaarka ah, waxaanay jawaab u ahayd martiqaad iyo casuumad rasmi ah oo uga timid Raysal wasaaraha dalkaasi Ethiopia, Hailemariam Desalegn.