Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa mweynaha Md. Muuse Biixi oo shacbiga ka tacsiyadeeyey Geerida Marxuum Skheekh Khaliif Sh Xasan

0
315

Xisbiga KULMIYE (Xisbiga Midnimada Iyo Horumarka JSL)

April 14, 2016
Ujeeddo: Tacsi
Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna
murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah
Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbigu
waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, Xildhibaannada
Golaha Guurtida iyo guud ahaanba shacabka reer Somaliland geerida ku
timi Marxuun Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo ku geeriyooday magaalada
Hargeysa caawa (14/03/2016), kadib xannuun uu muddo u jiifay.
Sheekh Khaliif Sh. Xasan Gudaal oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha
Guurtida Somaliland ee ugu muddada dheeraa, waxa uu ahaa oday miisaan
wayn ku lahaa Somaliland oo uu ku suntanaa hormoodka odayaashii salka u
dhigay nabadda iyo dawladnimadeeda, isagoo ka mid ahaa xeer-beegtidii
soo hoggaamisay talada dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha Somaliland,
waxa kaloo uu kaalin muuqata oo lama ilaawaan ah ka soo qaatay halgankii
dib-u-xoraynta dalka.
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu tilmaamay Marxuum Sheekh Khaliif tiir
culus oo ka baxay Somaliland oo la tabi doono shacab iyo dawladba.
Ugu dambayntii, waxa uu Marxuumka uga baryey Alle inuu jannadiisa
Fardowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan
shacabkana inuu samir iyo iimaan innaga siiyo Marxuumka.
Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE