Madaxweynaha oo shacbiga iyo golayaasha ka tacsiyadeeyey geerida Marxuun Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal

0
334

TACSI MADAXWEYNE -15/04/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa labada gole qaran ee baarlamaanka iyo guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, qoyskii, eheladii, asxaabtii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuun Sheekh Khaliif Sheekh Xasan Gudaal oo 15/04/2016 ku geeriyooday Magaalada Hargeysa, kana mid ahaa xildhibaanada qiimaha iyo faca weyn ee ka tirsanaa shuyuukhda golaha guurtida.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannada golaha guurtida Somaliland ee ugu muddada dheeraa, isagoo ku suntanaa, miisaan weyna ku dhexlahaa bulshada reer Somaliland oo uu ka mid ahaa, odayaashii, waxgaradkii salka u dhigay nabadda iyo dawladnimada dalka ka jirta, waxaanu hawl-fuliye ka ahaa dhammaan shirarkii nabadaynta beelaha Somaliland kuwada nool, waxa kaloo uu kaalin muuqata oo lama illaawaan ah ka soo qaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka, waxaanu ahaa sheekh caalima oo ku xeel dheer diinta islaamka, dadkna ugu adeega samaha iyo wada jirka.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu janooyinkiisa balaadhan dejiyo, guurtida, qoyskii, eheladii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxdayna samir iyo iimaan Saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
C/raxmaan Sh Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.