Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Ka Qeyb-galay Caleemo Saarka Suldaanka Guud ee Beelaha Guuyoobe/Ciidagale

0
608

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Ka Qeyb-galay Caleemo Saarka Suldaanka Guud ee Beelaha Guuyoobe/Ciidagale

Qotan-dabo(Warsugannews):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta deegaanka Qotan-dabo ee koonfur bari magaalada Hargeysa kaga qeyb-galay caleemo saarka suldaanka guud ee beelaha Maxamed Daa’uud(Guuyoobe)/Ciida-gale Suldaan Sakariye Suldaan Maxamed Cabdillaahi(Galaal) oo loo caleemo saaray saldanaadaasi ka dib markii sannadkii hore Alle ha u naxariistee uu aabihii Suldaan Galaal ku geeriyooday Xajka.

Boqolaal ka mid ah shacabka deegaankaas iyo beesha Guuyoobe oo iskugu jira madaxdhaqameed, cuqaal, wax-garad, aqoonyahan, haldoor, siyaasiyiin, xildhibbaano, haween, dhallinyaro iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan, ayaa si weyn guddoomiye Cirro ugu soo dhaweeyey madashaasi, waxaana ay ku qaabileen gacmo furan iyo weliba erayo ay ku muujinayaan sida ay ugu faraxsan yihiin ka soo qeyb-galkiisa caleemo saarka suldaan Sakariye Suldaan Galaal.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ka dib soo dhaweyntaas la hadlay, qaar ka mid ah dadkii halkaas ku soo dhaweeyey, ayaa uga mahad-celiyey soo dhaweynta loo sameeyey, waxaana uu carabka ku adkeeyey in ka qeyb-galka caleemo saarka suldaan Sakariye uu ahaa waajib saran, isaga oo tibaaxay in ay aad iskugu dheeraayeen, saaxiibo qaaliyana u ahaayeen Alle ha u naxariistee Aabahii uu ka dhaxlay saldanadda Suldaan Galaal, waxa kale oo uu muujiyey dareenka uu u qabbo caleemo saarka suldaanka cusub ee beesha Maxamed Daa’uud oo uu tilmaamay in garab iyo gaashaan ba u ahaan doono.

cIRO

13659178_1083498301730299_8152563594304974657_n

13690702_1083498128396983_7328202418192633788_n (1)

13692734_1083498338396962_1377794532594392932_n

13707683_1083498165063646_7693024284651504417_n

13707683_1083498221730307_2520404480012308898_n

13731480_1083498258396970_6553201047753924155_n