Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso

0
542

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Marxuum/Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, afka xildhibbaanada Wakiilada, hoggaanada, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weliba guud ahaan taageerayaasha xisbiga WADDANI, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuun/ Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso oo muddooyinkii dambe xanuun uu u jiifay awgeed 18/06/2016 ugu geeriyooday magaalada Hargeysa.
Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa uu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah uu u dirayaa eheladdii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan, sida oo kalena taariikh weyn ku leh guud ahaan siyaasadda Somaliland iyo weliba marxaladahii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay oo lagu tilmaansado dadkii sida weyn uga qeyb-qaatay nabadeyntii iyo weliba kaalintii dawladnimo ee dalka.
Ugu dambeyntii guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardowsana uu ka waraabiyo, eheladdii, qaraabaddii, asxaabtii iyo guud ahaan shacabka Somaliland na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin. Amiin.

Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi raajicuun

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Hargeysa/Somaliland
Attachments area