Guddoomiyaha xisbal-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Qarankaba geeridii ku timid Siyaasi Iskeerse Awgeed

0
582

Xisbiga Midnimada iyo Horumarka JSL (KULMIYE)
June 18, 2016

Ujeeddo: Tacsi

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Marxuum Maxamed Cabdi Iskeersi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta 18/06/2016.
Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse waxa uu ka mid ahaa odayaasha kaalinta muhiimka ah ka soo qaatay nabadayntii, dawlad dhisiddii dalka iyo hirgelinta hannaanka dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo xilal kala duwan soo qabtay, waxaannu hadda ka mid ahaa Golaha Dhexe ee xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Guddoomiyuhu waxa uu ku tilmaamay Marxuum Maxamed Cabdi Iskeerse inuu ahaa aqoonyahan wax badan soo taray dadkiisa iyo dalkiiba, isla markaana uu ahaa nin xaruuri ah oo mar walba wanaagga ka shaqeeya.
Marxuum Iskeerse oo aas Qaran loo samayn doono waxa lagu aasi doonaa xabaalaha cusub ee Xeedho berri 10:00 subaxnimo.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumka inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo shacabka uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE