Madaxweynaha oo Shacbiga, Waxgaradka iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse tacsi u diray ka dib markii marxuumku geeriyooday Hargeysa maanta

0
694

Madaxweynaha oo Shacbiga, Waxgaradka iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse tacsi u diray ka dib markii marxuumku geeriyooday Hargeysa maanta

TACSI MADAXWEYNE-18/06/2016
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Hargeysa(Warsugannews)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo ku geeriyooday Hargeysa maanta 18.06.2016.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah, aqoonyahan ahaa oo muruqiisa iyo maalkiisaba kagaga soo qaybqaatay dib u xorayntii dalka, sidoo kalena qayb weyn ku lahaa aas-aaskii iyo hirgelintii xisbi weynaha kulmiye, waxa kale oo lagu xasuusan doonaa inuu aha nin ku suntan taariikhda Somaliland guud ahaan iyo nabadayntii, iyo dib u dhiska dalka. Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.