Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Suldaan Galaal

0
429

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeeyey Geeridii Ku Timi Suldaan Galaal

Hargeysa(Warsugannews)Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku hadlaaya magaciisa, hoggaanka xisbiga, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, laamaha dibadda iyo dhammaanba taageerayaasha xisbiga Waddani ee kala jooga dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, ayaa waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Salaadiinta, Cuqaasha, Wax-garadka, Aqoonyahanka, Ganacsatada iyo dhammaanba bulshada Somaliland, isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Suldaan Maxamed Cabdillaahi (Suldaan Galaal) oo meel 30Km u jirta Masjidka Xaramka ee magaalada Makka ku geeriyooday, xilli uu ku jiray gudashada waajibaadka Xajka.

Mudane Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxa kale oo uu tacsi taas la mid ah u dirayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku, isaga oo ku sifeeyey in uu ahaa shakhsi Alle ka cabsi badan oo u samafala dadka danyarta ah, sida oo kalena uu ka mid ahaa rukunaddii salka u dhigay nabadda ay ku naaloonayso Somaliland, kana soo qeyb-qaatay demintii colaadahii dagaalada sokeeye ee xilliyadii Sagaashanaadkii, waxa kale oo uu ahaa mudadii uu ku soo jiray bahda dhaqanka shakhsi ku caan ah ilaalinta nabadda sida oo kalena ka hortaga waxyaabaha lidka ku ah qaranimada iyo madax-bannaanida Somaliland.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxaa uu ugu dambeyntii uu Marxuumka Alle uga baryeyaa in uu godka u nuuriyo, naxariistiisii jannatul Fardawsana uu ka waraabiyo, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii, bahdii dhaqanka iyo guud ahaanba umadda Somaliland-na uu samir iyo iimaan ka siiyo. Amiin Amiin.

Innaa-Lillaahi wa-innaa Illeyhi raajicuun.

Guddoomiiyaha xisbiga WADDANI.

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here