Madaxweynaha oo Wasiirka Caafimaadka Dr Xagla-toosiye ka tacsiyadeeyey Geerida ku timid hooyadii

0
386

22/09/2015
TACSI MADAXWEYNE
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu ka tacsiyadaynaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) geerida ku timid hooyadii Marxuumad Hindisa Cabdi Jaamac oo ku geeriyootay maanta 22/09/2015 Dalka Maraykanka.
Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoysaskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Marxuumadu.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumada Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here