Guddoomiye Cirro Oo Kullan Dar-dargelin Ah Layeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiga WADDANI Ee Lixda Gobol Ee Dalka Ugu Waa Weyn‏

0
335

Guddoomiye Cirro Oo Kullan Dar-dargelin Ah Layeeshay Guddoomiyeyaasha Xisbiga WADDANI Ee Lixda Gobol Ee Dalka Ugu Waa Weyn‏

Hargeysa (Warsugannews)-Guddoomiyaha golaha wakiilada somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro , ayaa maanta kullan ay albaabadu u xidhanyihii la yeeshay guddoomiyayaasha xisbiga waddani ee lixda gobol ee ugu weyn somaliland,kaas oo ka qabsoomay guriga uu guddoomiye cirro ka deganyahay magaalada Hargeysa.

Kullankan oo ahaa mid albaabadu u xidhanyihiin ayaa waxa shir guddoominayey guddoomiyaha xisbiga WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro,waxaanu guddoomiye cirro ka dhegeystay war-bixino kala duwan guddoomiyeyaasha xisbiga WADDANI uga wakiilka ah gobolada Sanaag, Sool, Awdal,Saaxil,Togdheer, Maroodi-jeex, kuwaas oo la xidhiidha hawlaha kala duwan ee xisbiga WADDANI, iyo xaalada kala duwan ee gobolada ay ka yimadeen iyo degmooyinka.

Guddoomiye Cirro oo madasha ka haddlay ayaa uga mahadceliyey guddoomiyaasha xisbiga WADDANI hawsha wanaagsan ee xisbiga u hayaan, isla markaana ku hambalyeeyay guulaha ay gaadheen, waxaanu ku booriyey inay sii laban labaan shaqadooda, isla markaana wuxuu ku dardaaray inay isku xidhnadaan xaalad kasta.

Dhanka kalen kullanka ay yeesheen guddoomiye cirro iyo guddoomiyayaasha xisbiga WADDANI ee gobolada dalka ugu waa weyn, ayaa ku soo beegmay xili uu maalintii shalay ahayd xisbiga WADDANI magaalada Hargeysa ku soo bandhiga baraamaaij siyaasadeedkiisa uu ku gelayo doorashada fooda inagu soo haysa ee 2017.

Si kastaba haatee Guddoomiye cirro ayaa kullan kula yeeshay guriga uu ka deganyahay magaalada Hargeysa guddoomiyeyaasha xisbiga WADDANI ee lixda gobol ee dalka ugu waa weyn,waana kulankii ugu cuslaa ee ay wada yeeshaan Md. Cirro iyo guddoomiyayaasha xisbiga ee gobolada