Guddoomiye Muuse Biixi oo Mugdi Geliyay Murashaxnimadda C/raxmaan Saylici‏

0
346

Guddoomiye Muuse Biixi oo Mugdi Geliyay Murashaxnimadda C/raxmaan Saylici‏

Muuse Biixi Oo Faro-madhan Ka Jooga Ergadda G/Dhexe Ee KULMIYE, Beelo Dhabarka u Soo Jeediyay Iyo Kulankii Ugu Dambeeyay Ee uu La Yeeshay Taageereyaashiisa

Guddoomiye Muuse Biixi Oo Mugdi Geliyay Murashaxnimadda C/Raxmaan Saylici Iyo Beesha uu Ka Dalbaday Inay Murashax u Keenaan

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ah murashaxiinta u tartamaysa murashaxa madaxweynaha ee xisbul xaakimka, ayaa xaqiiqsaday hungadda uu ka jeedo xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE oo uu isku dayay inuu beello ahaan ula Kulmo.

Waxa ka dhicisoobay kulan Marti-qaad ah oo uu u fidiyay xubnaha Golaha dhexe ee kaga jira beelaha Garxajis, Arab iyo Samaroon.

Weji-gabaxa uu Muuse Biixi waxa uu sababay inuu mugdi geliyo oo uu ka noqdo Murrashaxnimadda Madaxweyne Ku xigeenkA Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu dhawaan u xushay inuu u noqdo Murrashixiisa madaxweyne Ku xigeenka.

Muuse Biixi waxa dhawaan gabi ahaanba dhabarka u soo jeediyay oo diiday inay ka soo qeyb galaan xaflad qado-sharaf ah oo uu ugu tallo-galay xubnaha Golaha Dhexe kaga jira Beelaha Arab, waxaanay sheegeen inaanay cid kale codkooda siinaynin maadaama oo uu sharaxan yahay Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe oo ka soo jeeda Beeshooda awgeed.

Sidoo kale, waxa iyaguna qaadacay kulan noocan oo kale ah oo uu ugu baaqay Beelaha Samaroon, marka laga reebo dhawr qof oo iyaguna ay dood adagi dhex martay markii ay waydiiyeen sababta uu Cabdiraxmaan Saylici uga dhigtay Murashaxiisa Madaxweyne Ku-xigeenka. Waxase uu sheegay inuu beesha Makaahiil ee gobolka Awdal ka rejaynayo inay u keenaan nin uu uga dhigo Murrashax Madaxweyne Ku xigeenka.

Muuse Biixi waxa uu kulankaasi ka caddeeyay inaanay fursad murrashaxnimo agtiisa uga banaanayn Cabdiraxmaan Saylici.

Guddoomiyaha KULMIYE, Waxa kale oo uu iyana uu ku fashilmay ergooyinka Beelaha Garxajis oo u jaray kulan marti-qaad ah oo uu u fidiyay ka dib markii ay ku war-geliyeen inaanay jirin cid wax taageero ah oo ay u hayaan.

Muuse Biixi waxa uu maanta qaaday mid ka mid ah isku dayadiisa la xidhiidhay ololihiisa Murashaxnimo, waxaanu casuumad u fidiyay xubnaha Golaha Dhexe kaga Jira Beelaha Sacad Muuse, hase ahaatee waxa ka soo xaadiray kulankaasi oo 30-kii xubnood ee Golaha dhexe ay ku lahaayeen, uga yimid toban xubnood oo haween u badan. Halka Xildhibaanadda Beelaha Sacad Muusena uu uga tagay oo kaliya Xildhibaan Ibraahim Kacaan. Waxaanu uga waramay xubnahaasi inuu ka xun yahay in xataa aqlabiyada ergooyinka laga badan yahay Beeshiisa taasina ay tahay mid aad u fool xun. Waxaanu madashaasi ka aflagaadeeyay xubnihii u iman waayay oo uu ku sifeeyay dhuuni raacyo aan mabda’a lahayn.

Guntii iyo gebo-gabadii waxa kulankaasi lagu balamay oo uu faray taageereyaashiisii inaanay awooda iskugu geeyaan dhinaca warbaahinta oo loo sameeyo dacaayado iyo baro-bagaando ku wajahan sidii uu u heli lahaa taageero.

Waxa kale oo uu sheegay in mudada Wasiirka Arrimaha dibaddu ku maqan yahay socdaalka dibadeed, ay tahay inay ka faa’iidaystaan oo ay dad badan ka soo jaraan.

cabdirisaaq cabdi
cabdirisaaqabdi@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here