Guddoomiye Muuse Biixi Oo Tacsi u kala Diray Eheladii iyo Shacbiga Somaliland ee ay ka baxeen Marxuumiinta kala ah Maxamuud Cali Maxamed (Baadiye) iyo Mustafe Cali Obsiiye (Cali Gabiley)

0
370

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE
TACSI GUDDOOMIYE-31 January 2017

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Mustafe Cali Obsiiye (Cali Gabiley) oo ku geeriyooday dalka Ingiriiska maanta oo taariikhdu tahay 31/01/2017.

Geerida Marxuum Mustafe Cali Obsiiye waxa uu Guddoomiyuhu waxa uu si gaar ah uga tacsiyadaynayaa Xildhibaan Cali Obsiiye (Cali Gabley) oo isagu dhalay ama aabbo u ahaa Marxuumka geeriyooday.
Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamuud Cali Maxamed (Baadiye) oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay oo ay taariikhdu ahayd 31/01/2017.

Marxuum Maxamuud Cali Maxamed (Baadiye) waxa uu door ballaadhan ka soo qaatay halgankii iyo nabadayntii dalka, waxaanu ka mid ahaa odayaashii samo-taliska ahaa ee Gobolka Sanaag isaga oo waqti badan iyo juhdiba geliyey horumarka dalkiisa iyo dadkiisaba.

Guddoomiyuhu waxa uu labada Marxuum Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE