Gudoomiyaha ahna Musahraxa Xisbiga Kulmiye Oo Tacsiyo U diray Qoysaskii Iyo Shacbiga S/land Ee ay Ka Baxaeen

0
724

Gudoomiyaha ahna Musahraxa Xisbiga Kulmiye Oo Tacsiyo U diray Qoysaskii Iyo Shacbiga S/land Ee ay Ka Baxaeen
Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah haya’adaha kale ee xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Garabyada bulshada ee xisbiga, laamaha dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgamle) oo caawa (26/07/2016) ugu geeriyooday xannuun ku soo booday magaalada Hargeysa.
Marxuum Cabdiwahaab Xaaji Cabdillaahi Diiriye (Gamgamle) waxa uu ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee kaalinta ka soo qaatay hayaankii dib-u-dhiska, nabadaynta, haykalka dawladnimo iyo horumarka Qaranka Somaliland, waxaannu Guddoomiyaha KULMIYE ku tilmaamay tiir culus oo ka baxay shacabka iyo dalka Somaliland oo abaalkiisii aan la iloobi karin.
Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa tacsi taa la mid ah u dirayaan qoysaska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Marxuumad Nuura Carte Qaalib oo ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta, waxaannu si gaar ah uga tacsiyadaynayaan Ilma Maxamed Jaamac Bad-baax oo ay hooyadood ahayd iyo reer Carte Qaalib.
Ugu dambayntii, Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaan Marxuumiintaasi inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabka reer Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo.
Aamiin….Aamiin….Aamiin.
Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE