Wasiirkii Hore W/Waxbarashada Xasan Gadhweyne oo Tacsi u diray Ehelkii iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum C/wahaab Gamgam

0
422

Wasiirkii Hore W/Waxbarashada Xasan Gadhweyne oo Tacsi u diray Ehelkii iyo Shacbiga Somaliland Ee Uu Ka Baxay Marxuum C/wahaab Gamgam

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo tacliinta Sare, Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne), waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Cabdiwahaab Cabdilaahi Xaaji Diiriye (Gamgam) oo ku geeriyooday hargeysa 26/07/2016, lagu aasay degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.
Waxaanu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo eheladii, qaraabadii, qoyskii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.