Gudoomiyaha Degmada Gebogebo Oo Ka Hadlay Muhiimada Somaliland Uu U leeyahay Saldhiga Wadanka Imaaradku Ka Samaysanaayo Berbera,Fariina Udiray Xisbiyada Mucaaradkaa.

0
318

Gudoomiyaha Degmada Gebogebo Oo Ka Hadlay Muhiimada Somaliland Uu U leeyahay Saldhiga Wadanka Imaaradku Ka Samaysanaayo Berbera,Fariina Udiray Xisbiyada Mucaaradkaa.
Maayirka degmada gebogebo ee gobolka togdheer mudane axmed saleebaan aadan (axmed deeq) ayaa sheegay inuu si wayn u taageersanyahay saldhiga militaryga ee xukuumaddu ka siisay Magalada Berbera imaaraadka carabta kuna hambalyeeyey madaxweynaha qaranka iyo goloyaasha qaranka oo si midaysan u saxeexay heshiiska iyo ogolaanshaha saldhigan militaryWaxaanu yidhi Gudoomiye Axmed Yidhi “Waan taageersanahay anigu heshiiskan waxaaanan u arkaa hormar wayn oo ka mida horumaradii ay xukuumaddan madaxweyne siilaanyo hore dalka uga hirgalisay sidaa daraadeed waxan dadweynaha reer Somaliland ugu baaqayaa inay tahay talaabadani mid faa,iido badani inoogu jirto waxan kaloo u arkaa inay tahay wax u dhigma Somaliland oo lagu aqoonsaday maadaaama oo caalamku saldhigyo ku yeeshay jamhuuriyadda Somaliland iyada oo hore aad wada ogaydeen heshiiskii caalamiga ahaa ee shirkadda DP WORLD ka hirgalisay marsada caalamiga ah ee berbera Waxaanan u arkaa arrimahan oo dhan guul u soo hoyatay qarankeena inagana anfacaysa dhinac walba haday tahay mid dhaqaale,mid horumineed,mid aqoonsi iyo mid shaqo abuurba Waxan kaloo halkan ka iftiiminayaa maanta inuu dalkani yahay mid taabo qaaday oo uu maamulo madaxweyne ku haboon oo lexejeclo ka leh iyado ku xigeen hayin ah oo dalkiisa jecel kuwaasoo si isku mid ah shacab weynuhu ugu soo doorteen fartooda inay hogaamiyaan masiirka dalka aanay yihiin qaar lagu aamini karo Iyo goloyaal qaran oo ku yimi rabitaan ka shacabkooda, Sidoo Kale Gudoomiya Degmada Gebogebo Axmed Saleebaan Aadan Isagoo Hadalkiisa Sii Wata Waxaa Uu Fariin Udiray Dadweynaha Reer Somalilad Iyo Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaradkaa Waxaanu Tilmaamay “Sidaasi daraadeed ma dhici karto in cidkale loo daba fadhiisto horumarka dalkana wax laga waydiiyo ,Waxan u sheegayaa dadka siyaasdda ku milmay ee buuq ku macaashka ah inaanay xaq u lahayn inay carqaladeeyaan habu socodka hawlaha qaranka Madaama oo aynu aragno cidda awooda buuxda u haysata talada dalka oo ah madaxweyne axmed siilaanyo iyo ku xigeenkiisa mudane cabdiraxmaan saylici iyo goloyaasha qaranka iyo dhamaan inta ay iyagu u igmadeen shaqooyinka dalka ka socda,Waxan ku soo gabagabaynayaa walaalayaal xukuumadani waa xukuumadii wax qabadka iyo horu marka ee ha lala sheqeeyo Oo buuqa iyo qalin daarkana ha laga daayo Qolyaha mucaaradkana waxan leeyahay waa inay kala gartaan waxa lagu mucaaradi karo iyo waxa aan mucaaradadi ku jirin”