Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixii Cabdi Waa Shaqsiga Qudha Ee Ku Haboon Inuu Noqdo Madaxweynaha Somaliland 2017 Haddii Alle Idmo.By Maxamed Jeex

0
535

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Bixii Cabdi Waa Shaqsiga Qudha Ee Ku Haboon Inuu Noqdo Madaxweynaha Somaliland 2017 Haddii Alle Idmo.By Maxamed Jeex

Maan rabin inaan siyaasada ka hadlo laakiin waxaa igu kalifay markaan arkay rag badan oo hungurigaga jiro inay iska garab sharaxaan oo noqdey jug soo dhacay oo aan lagaranayn meel ay ka soo dhaceen ragaasoo uu ka mid yahay wasiirka arimaha dibada somaliland maxamed biixi yoonis.

Maxamed biixi yoonis waxaa nagaga filan intii uu ahaa wasiirka arimaha dibada somaliland wuxuu la dhaadhacay wasaaradii wuxuu baabiiyey maamulkii wasaarada wuxuu la yimidey qabyaalad foolxun sidaasi darteed maaha maxamd biixi yonis nin lagrabdhigikaro muuse biixi cabdi.

Dad waxaa jira yidhaahdo muuse uu qaldamay dadkaa waxaan rabaa inaan u sheego horta maqaldame waa ilaahay rasuulkeenii scw wuxuu yidhi kulu ibnu aadam khadaa u qofkastaa

uu qaldamaa laakiin waxaa ugu wanaagsan ka ka soo noqda markaa kuwa waxaa ku meeraystoo waxaan ini odhanlahaa cid dalkan uga naxariisbadan muuse biixi majirto oo ka waxqabad badan.

1) muuse biixi cabdi wakhtigii uu ah wasiirka arimaha gudaha ee somaliland wuxuu ahaa shaqsigii keenay dib u heshiisiibta beelaha ee hirgeliyay muuse waa nin ay ka go,antahay inuu heshiisiiyo ummada reer somaliland waa nin u qalma inuu dalkan madaxweyne ka noqdo waa nin wax ka badali kara dalkeena waa nin horey loo arkay wanaagiisa.

2) muuse biixi cabdi wuxuu ahaa heshiisiintii ninkii beelaha samaroon weyne iyo beesha ciise ee ka dhacay magaalada geerisa wuxuu noqdey ninkii hergaliyey oo waliba ku guulaystey ee si cadaalad ah ugu garqaadey beelahaas isku haystey degaanka saylac muuse biixi cabdi waa ninka keenay nabad ilaa maanta lagu joogo dhulkaas.

3) muuse biixi cabdi wakhtlgii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha somaliland oo ahaa wakhtigii ay ugu adkayd somaliland waa ninkii dhisay maamulada gobolada waa ninkii dhisay degmooyinka somaliland.

4) muuse biixi cabdi wakhtigiisii waa ninkii aas aasay ciidanka booliiska ee maanta ilaaliya nabadgalyada dalkeena waa ninkii ka soo bilaabay hoos ee soo gaadhsiiyey halkan uu maanta joogo ciidanku.

5) muuse biixi cabdi waa ninkii nabada kala dhaxdhigay beelaha maxamed-case iyo sacad muuse waa ninka qudha ee dhamaydoona haddi alla idmo dhibaatada ka taagan dhulka caada waa nin jecel umada reer somaliland oo dhan.

Allaa mahad leh
By maxamed jeex

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here