Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Tahli KariLa In Uu Soo Xulo Ergada Gobolada Ee Ka Qaybgalaya Shirweynaha Xisbiga Oo Ka Hadhay Todobo Maalmood Iyo Hirdenka Siyaasiyiinta Galbeedka Oo Cirka Shareeray.

0
303

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Tahli KariLa In Uu Soo Xulo Ergada Gobolada Ee Ka Qaybgalaya Shirweynaha Xisbiga Oo Ka Hadhay Todobo Maalmood Iyo Hirdenka Siyaasiyiinta Galbeedka Oo Cirka Shareeray.

Borama(WSN) Waxa Maalmo Kooban Oo Kaliya ay Naga Xigaan Shirweynaha Xisbiga Waddani Ee Lagu Dooranayo Musharaxiinta Xisbigaasi Uu Matalaya Doorashada La Filayo In ay Qabsoonto 2017 ayaa ilaa hada aan la soo xulin ergada gobolada Somaliland ee shirweynahaasi ka qaybgalaya oo ku mudaysan 10 bishan October ee aan ku jirno.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani A/raxmaan Maxamed A/laahi Ciro oo isagu uu tartamaya Jagada Madaxweyne Ee Xisbiga Waddani Oo La Sheegay in jagadaasi ay cidina ay kula loolamayn ayaa ilaa hada tahli karila soo xulida ergooyinkaasi oo si weyn loo hadal hayo sababta ilaa hada loo soo xuli laayahay.

Gobolka Awdal Waxa Uu Ka Mid ahaa Meelaha Loogu Tageeradaa Badnaa Xisbi Mucaaradeedka Waddani Balse Hada Xaajadu sidaas way ka duwan tahay oo waxa ay uu eeg tahay mid uu kaga awood batay tageerada xisbi xaakimka kulmiye.

Iyada Oo ay Maalmahaas Kooban ay ka hadheen shirweynaha xisbiga waddani ayaa gobolka awdal aan haba yaratee aan laga dareemayn diyaargalow iyo cid isku diyaarinaysa ka qaybgalka shirweynahaasi oo ay shacabka reer awdal ay si weyn ay isku waydiinayaan ergada shirkaasi ka qaybgali doona inta ay le’eg tahay tiradoodu ma ka badan kartaa ergadi kulmiye xushay oo ahayd 46 mise wayba ka yaraan tiradu intaasi su’aashaas iyo su’aalo kale ayaa si weyn shacabku isku waydiinayaan balse ilaa hada ma hayaan cidii uga jawaabi lahayd su’aalahaasi.

Siyaasiyiinta Reer Awdal Ee Ku Loolamaya Jagada Madaxweyne Ku Xigeen Ee Xisbiga Waddani ayaa Maalinba Maalinta Ka Danbaysa ay Tirada Musharaxiintu ay sii Badanaysa Ilaa Hadana Lama Garan Karo Cida Sida Rasmiga Ugu Guulaysan Karta Jagadaasi Madaama Aan Ilaa Hada aan Lahayn Cidii Shirweynahaasi Ka Qaybgalaysa iyo cida codka la siin doono.

Gobolka Awdal Wakhtigan Uu Ka Duwan Yahay Gobolada Kale Marka Loo Eego Siyaasada Hada Taagan Oo Maraysa Meeshi Ugu adkayd Madaama Musharaxiinta Tartamaya ay Ka Soo Jeedaan Gobolkaasi Oo Si Weyn Diirada Loogu Hayo Halka ay Arintaasi Ku Danbeyn Doonto.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani A/raxmaan Maxamed A/laahi Ciro ayaa La Sheegaya In Musharaxiinta Tartamaya Ee Reer Awdal Uu Mid Walba Uu Dhabarka Taabtay Isla Markaana Uu Sheegay in uu isagu Musharax Yahay Balse Ilaa Hada Arintaasi Gudoomiyaha Ciro Kama Uu Hadal.

Si Kastaba ahaate Lama Garan Karo Xiliga Sida Rasmiga Loogu Dhawaaqi Doono Ergada Gobolada Ee Ka Qaybgalaya Shirweynaha Waddani Ee Ilaa Hada aan La Ma Hadin Iyada Oo Ay Sheegayaan Dadka Inta Badan Ka Faalooda Arimaha Siyaasada Somaliland Uu Wakhtigan Xisbiga Waddani Uu Cagta Saaray Wadadii Khilaafka Iyo Burrburka Balse Ilaa Hada Lama Garan Karo Halka ay Xajadaasi Caga Dhigan Doonto.

By.Eng. Mahamed Sharbi Yare

Borama/Awdal