Gudoomiye Cirro oo ku sifeeyay hab-dhaqanka Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Wakhtigan Sidii Xukuumad sii Tahriibaysa

0
560

Gudoomiye Cirro oo ku sifeeyay hab-dhaqanka Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Wakhtigan Sidii Xukuumad sii Tahriibaysa

Gudoomiye Cirro oo ku sifeeyay hab-dhaqanka Xukuumada Madaxweyne Silaanyo Wakhtigan Sidii Xukuumad sii Tahriibaysa
“Waxa La Iibiyay Todoba Boqol Oo Guri , Aqalkii Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayaa Imika qirin-qiir ku jira…”
Xisbigga Waddani ayaa shalay xafiis ka furtay degmadda Axmed Dhagax ee magaaladda Hargeysa, isla markaana madaxda xisbigaa ayaa khudbado ay ka jeediyeen halkaa si wayn ugu dhaliilay xukuumadda talada dalka haysa.

Gudoomiyaha xisbiga waddani Cabdiraxmaan-Cirro oo madashaa ka hadlaya ayaa ugu baaqay xukuumadda inay soo diyaariso xeerka lagu maamulayo hantida qaranka, isla markaana wuxuu ku tilmaamay xukuumad u dhaqmaysa sidii mid aan dalka dib ugu soo noqonayn.

“Farxad weyn ayay ii tahay inaan ka soo qeybgalo degmadii ugu horeysay ee Gobolka Maroodi-jeex oo aanu si rasmiya Xafiiskeedi u furno, waxaan u mahadnaqayaa Cidkasta oo hawshaasi ka qeybqaadatay oo gacan ka geysatay….waxaan idinka mahadnaqayaa inaad garateen sababta la idiinku soo horeysiiyay…..waxa la yidhi Hargeysi markay toosayso waxay ka toosta halkan (Axmed Dhagax), waxaanan idiin nimi wakhtigii ugu haboonaa.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro

Mar uu Cabdiraxmaan Cirro waxa uu intaa raaciyay oo uu yidhi;

“Waxaanu idiin nimi wakhti uu dalku ku jiro xaalad adag, oo aad ka warqabtaan xaalada ka taagan Golaha Wakiillada.Dawladanimadu waa ku dhaqanka Sharciga, dawladnimadeena markanu adkeynayno waa inaynu ku dhaqanaa sharciga, waa inaynu ku dhaqanaa Dastuurka, Golaha Wakiillada Somaliland waxa uu u taagan yahay inuu shuruuc sameeyo, oo uu xukuumadda ku sameeyo dabagal,inuu dadka ka wakiil yahay, shaqada ugu muhiimsan ee aad u doorateen waa intaas, intii way hayaan, waxay difaacayaan sharciga iyo Dastuurka.

Wixii awood ah ee xukuumadda sharcigu siiyay Golaha Wakiilladu uma diidana inay hanti iibin karto, laakin waxa la leeyahay sharciga ha waafaqsanaato, sharcigii hantidan lagu maamuli lahaa ha keento. Xaalada maanta qarankeenu taagan yahay waxa la doonayaa in la bad-baadiyo.

Waxaan imika u soo jeedinay xukuumadda inay soo curiso sharcigii lagu maamuli lahaa hantida qaranku leeyahay ee Guurtada iyo ma guurtada oo aan la odhanin, Aqalkii Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf ayaa qirin-qiir ku jira….Xukuumaddu marar baddan waxay tidhaahdaa wax ayaanu dhisnay bal idinku baadha’o imisa Guri ayay dhistay? Imisa Gurina way iibisay? Tirada la garanmaayo ee waxa la leeyahay waa shanboqol iyo lix boqol iyo toddoba boqol iyo qaar aynu ognahay iyo qaar aynaan ogayn-ba…..dhismayaasha ay xukuumaddu dhistay waxay noqonayaan tobban ama dhowr iyo tobban inta baddana waxa dhisay hay’ado caalamiya…..Xaalada maanta qarankeenu taagan yahay waxa la doonayaa in la bad-baadiyo, cidda ugu horeysa ee mutadawiciina ee xaggii SNM-ta ku jirtaa waa Xildhibaanada Golaha Wakiillada intii xil-isasaartay, laakin Ciidanku waxa uu u baahan yahay Ciidan daba-fadhiya waxa uu u baahan yahay saad iyo Hub, intiiba waa idinka. Waxaanu diyaar u nahay inaanu umaddayada u adeegno, oo aan sifaha sharciga ugu adeegno, oo wixii aanu sharci-darro u aragno ka qabano, … inaga oo wax difaacayna, innaga oo sharciga ku taagan, innaga oo Golaha Wakiillada taageereyna”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro

Cabdiraxmaan-Cirro waxa uu ku sifeeyay hab-dhaqanka xukuumada Madaxweyne Siilaanyo wakhtigan ku dhaqmayso sidii xukuumad sii tahriibaysa, waxaanu yidhi

“Waxaad moodaa qolada xukuumadda KULMIYE waxay u dhaqmaysa xukuumad is dhiibtay oo aan doonayn inay dalka dib ugu soo noqoto, oo aan shacbiga waxba ka rabin, haday nabadgelyada tahay, haday sida loo maamulayo tahay, haday shacabka maalinkasta la dhibaateynayo tahay,haday shacbiga la tooganayo tahay ee aan hubeysnayn.Haddii ay tahay dhibaatooyinka waa weyn ee maaanta ka taagan arrimaha dibada waxaas oo dhami waxay ina tusinayaan inay xukuumaddu sii tahriibayso”.

Dhanka kale Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mida mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland oo halkaasi ka hadlay waxa erayadiisii ka mid ahaa oo uu yidhi;

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanay inaan maanta xaafada Axmed Dhagax hortiuina nimaadno,….laba halgan ayaad ku niyad jabteen mid waa kii KULMIYE ee abaal-darada ahaa, midna waa kii XAQSOOR ee cadaalad darada ahaa, adduunyada lagama quusto oo ILAAHAY ayaa jira, waxaan idiin sheegayaa halgankii ugu weynaa ayaa maanta taagan, waayo dawladan oo kale may ina soo marin.Maanta inta kaliya ee hadlaysa ee cidhiidhiga lagu hayaa ee ay u hadhay in la qufulo waa Golahayaga Wakiillada iyo Guddoomiyahayaga, waxa dalka ka nool Xildhibaanada halkan fadhiya, Xildhibaanadani waxay haystaan dadka, hadaad niyad-jabtaan annagana madaxa ayaa nalaga jarayaa, waayo idinka ayaa noo madfaca, idinka ayaa noo baasuuke ah.

Carabtu waxay tidhaahda: Tuugu sanad ayuu cararaa maalina waa lka qabtaa, Shan sanadood ayay imika cararayeen oo imika madaxa ayay la soo baxeen… Shuftadu ha dhacaan oo WADDANI ha guuleysto.Hargeysaay waad hurudaa, awalba xaafadaya hurdadeedu way dheereeyd xaggana (Axmed dhagax) ayaa hurdadeedu fududeyd idinku istaadha daynabada Hargeysa waa halkan.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Waxa kale oo xafladdaa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka mid ah xisbiga waddani iyo taageerayaashiisa.

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here