War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Mucaaradka Ah Ee Somaliland Oo Uu Shir Albaabadu U Xidhanyihiin Uga Socdo Guri Ku Yaal Magaalada Boorama‏

0
644

War Deg Deg Ah: Xildhibaanada Mucaaradka Ah Ee Somaliland Oo Uu Shir Albaabadu U Xidhanyihiin Uga Socdo Guri Ku Yaal Magaalada Boorama‏

Hargeysa (Warsugannews)-Iyadoo ay saaka magaalada Hargeysa ka jarmaadeen wafti xildhibaano ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyo cirro, isla markaana gaadheen magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama,halkaas oo la sheegay inay kaga qayb-gelayaan xaflada qalin jebinta Jaamacad Eelo.

Dhanka kale warar hadda naga soo gaadhaya magaalada Boorama ayaa sheegaya inuu hadda shir aan u jeedadiisa dhabta ah la garanaynin u uu uga socdo Xildhibaanada mucaaradka somaliland guri ku yaala gudaha magaalada Boorama,waxaana la sheeyaa inay mudanayashan uu shirku u socdo ay qaarkood horay u sii jooga boorama, halka qaarna uu saaka guddoomiye cirro hoggaaminayey iyo weliba qaar goordhaweyd gaadhay magaalada Boorama.

Shirkan xildhibaanda mucaaradka somaliland hadda uga socda magaalada Boorama ayaan si dhab ah loo ogayn ujeedadiisa dhabta ah iyo wuxuu daaranyahay ilaa hadda, maadaama aan saxaafada loo ogolayn inay ka soo waranto wax ka socdo gudaha guriga uu shirku ka socdo.

Geesta kalen xildhibanaada shirkan aan u jeedadiisa la ogayn ilaa hadda ka qayb-qaadanaya ayaa la sheegay inay tiradoodu gaadhayso ilaa 40 mudane,balse wararka ma xusin inuu guddoomiye cirro oo isna boorama ku sugan uu ka qayb-galayo shirkan iyo in kale .

Isku soo wada xooriyoo waxaan ilaa hadda si dhab ah loo ogayn wuxuu daaranyahay shirkan ay xildhibanaada muuracada somaliland uga socda hadda magaalada Boorama iyo wuxuu daaranyahay,balse waxa la xaqiijiyey inuu shirkaasu maanta gelinkii dambe ka furmay halkaas,isla markaana uu ilaa hadda socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here