Komishanka Doorashada Oo Hargeysa ku Diwaangalinaya in ka badan Kun Qof

0
617

Komishanka Doorashada Oo Hargeysa ku Diwaangalinaya in ka badan Kun Qof

Guddida doorashooyinka qaranka ee Somaliland, ayaa maanta bilaabay diwaangalin tijaabo ah oo hor dhac u ah diwaangalinta codbixiyeyaasha doorashada ee la filayo in Komishanku dalka ka bilaabi doono.

Komishanka ayaa xarunta guddida qandaraasyada qaranka ee ku dhextaala Guriga Shaqaalaha dawladda ka furay diwaangalinta tijaabada ah oo dad ururada bulshada ka socdaa is diwaangalinayaan, si loo hubiyo isku halaynta qalabka lagu galayo diwaangalinta.

Guddoomiyaha Komishanka doorashada Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay in qalabkani yahay mid dunida ku cusub islamarkaana la hubinayo si aanay goor dhaw u dhicin ku celcelin bulshadu ku samayso diwaangalinta codbixiyaha. Waxa uu sheegay in hore guddidu saddex jeer xarunta Komishanka ugu tijaabisay lana saxay tayadiisa.

“Halkan waxa yaala saddex Kombiyuutar oo diwaangalin doona dad aanu ku qiyaasayno inay Kun qof dhammaadaan ama laba kun oo indhood. Diwaangalintani waa mid qofka Buda Isha iyo wajiga laga qaadayo(Sawirrayo), taas oo aanay suuro galayn in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu celceliyo. Waxaanu bulshada ugu digaynaa inaan sidii kuwii hore ee dhacay aan lagu celcelin karayn tan. Tani qabyo inaga noqon mayso, waa mid dhammaystiran, waa mid xataa dhinaca sharciga haddii la eego golaha wakiilladu xeer ka soo saareen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Komishanku.

Guddoomiyaha oo la waydiiyay eedo la xidhiidha inuu mashruuca wacyi galinta dadweynaha ee saxaafadda la marin jiray siiyay hay’ad iyo ururo gaar ah ayaa sheegay inaanay wali bilaabin wacyi galintii Komishanka, balse ay jirto Hay’adda IOM oo ay siiyeen hanaan wacyi galineed oo ay u soo bandhigtay.

warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here