Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Seed Oo Maanta Kullan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Mas’uuliyiinta Heer Gobol, Heer Degmo Ee Gobolka Awdal Ee Xisbiga WADDANI.‏

0
549

Gudoomiye Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Seed Oo Maanta Kullan Albaabadu U Xidhan Yihiin La Yeeshay Mas’uuliyiinta Heer Gobol, Heer Degmo Ee Gobolka Awdal Ee Xisbiga WADDANI.‏

Borama-(Warsugannews)-Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed oo maalmihii u danbeeyay Ku Sugan magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal ayaa maanta kullan albaabadu u xidhanyihin la qaatay maamulka , Heer Gobol Iyo Heer Degmo ee Xisbiga WADDANI kaas oo ka dhacay xafiiska guud ee Xisbigu Ku leeyahay Degmada Boorama.

Kullankan ayaa markii uu dhamaaday waxaa saxaafada war kooban siiyay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Awdal ee Xisbiga WADDANI Md.C/qaadir Daahir Ojor waxa uuna sheegay in Kullankan uu la qaatay Mas’uuliyiinta Xisbiga ee heer Gobol iyo kan degmada Gudoomiye Ku Xigeen Axmed Mu’min Seed uu daarnaa sidii loo dardar galin lahaa hawlaha Xisbiga maadaama la cayimay waqti doorashadii.

Dhanka kale Gudoomiye C/qaadir Ojor ayaa sheegay intii kullankaasi socday ay hadalo kale oo dhiiri galin ah uu Gudoomiye Seed ka jeediyay taas oo uu sheegay inay ku qotontay sidii Hawlaha Xisbiga halkii ay taagnaayeen si xawli ah looga dhaqaaqo lana kormeero xafiisyada Xisbigu ku leeyahay Degmooyinka kale ee Gobolka Awdal.

Si kastaba ha ahaatee kullankan Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed Maanta la yeeshay Hogaanka Xisbiga ee heer Gobol iyo heer degmo uu daba socday Kullamo gooni gooni ah oo uu siyaasiiin, aqoonyahano, indheer garadka qaarkood ee Gobolka Awdal kula yeelanayay degmada Boorama kuwaas oo ay saxaafadu inta Badan ay dibad joog ka ahayd oo aan laga helayn xog buuran oo ku aadan kullamadaas, waxaase muuqata inta uu joogo gudoomiye Seed Gobolka gaar ahaan Degmada Boorama Saamayn xoogan ku yeelato hadalhayntiisu, waxa ayna dadweynuhu meelaha fadhi ku dirirka ee inta badan la iskugu yimaado la isku waydiiya Hawlaha ku aadan dhaqdhaqaasiisa siyaasadeed ee uu ka wado Degmada taasina waa ta keenta had iyo jeeraale in maamulka gobolka Awdal ee Xukuumada Siilaanyo maalmaha uu joogo ay isha ku hayaan dhaqdhaqaaqiisa kuwaas oo mararka qaarkood xawraan kale ay diraan.

C/rashiid C/laahi Cumar

Boorama-Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here