Marka Bulshadii caasimaddu baafinayaan Goob ay iska diiwaan geliyaan,kuwii Gobolada kalena muxuu xaalkoodu Noqonayaa?

0
519

Marka Bulshadii caasimaddu baafinayaan Goob ay iska diiwaan geliyaan,kuwii Gobolada kalena muxuu xaalkoodu Noqonayaa?

Iyadoo aynu ognahay in qaadashada kaadhka dhalashada ay tahay mid ahmiyad weyn ugu fadhida qof kasta oo ka mid bulshada ,iyo qaranka guud ahaan Somaliland,maadaama ay tahay aqoonsiga kala soocaya ama lagu garanayo qofka muwaadinka dhabta,ah iyo qofka aan u dhalan wadankan,ayaa waxa aan shaki lahayn in tan iyo xilligii la guda-galay, wasaaradda arrimaha gudaha oo iyadu lahayd masuuliyadda hirgelinta diiwaangelinta aanay siinin ahmiyaddii ay lahayd taabba gelinta diiwaan-gelintaasi.

fadeexadaha wiiqay habsami u socodsiinta diiwaangelinta madaniga ah ee tunka loo saaro wasaaradda arrimaha gudaha Waxa ka mid ah,inaanay dadwaynuhu helin wacyi gelin ku filan oo loogu sheegayo muhiimadda ay dalka iyo dadka Somaliland ugu fadhido qaadashada kaadhka dhalashada, iyadoo waxa loo mariyay MEDIAHA ,lagu tilmaami karo wax aan ku filayn oo ka hooseeya heerkii laga filayay.

Haddaba waxa la yaab leh, inaad arkayso tobonaan qof oo ka mid ah bulshada ku dhaqan caasimada oo kuu sheegaya inaanay weli isu diiwaan gelin kaadhkii dhalashada,dadkaasi oo mid kastaaba duruufo u gaar ah ku salaynayo sababaha uu kaga baaqsaday diiwaangelinta,asbaabahaasi oo marka loo fiirsado caqli gal ah ,sida xanuun,inuu ka maqnaa magalada iyo waxyaabo la hal maala,isla markaana wakhti xaadirkan oo uu diyaar u yahayna uu la ‘yahay goob qudha oo uu iska diiwaan geliyo.

Qaybo badan oo ka mid ah dadkaasi waxay kuu sheegayaan inay xataa tageen xarrunta wasaaradda arrimaha gudaha balse ay kusoo hungoobeen,

Waxa hadaba iswaydiin leh kolka ay caasimaddii dadkeedii baafinayaan goob ay iska diiwaan geliyaan,xaaladda gobolada kale ee dalkuna muxuu noqonayaa?

Si kastaba ha ahaatee arrinta diiwaangelinta muwaadinku ma aha wax fudud,waa arrin qaran,waxaanan leenahay,miisaankii ay lahayd may siinin cali waran cade iyo wasaaradiisu,waxaanad mooddaa inuu ku badhi furay hadafkii uu ka lahaa madaxweynuhu ee ahayd inay si rasmi ah diiwaangelintu u kala soocdo Somaliland iyo Somalia,mujtamaca Somaliland-na sida dunida kale ay noqdaan kuwo haysta dhalashadooda rasmiga ah.

Waxaan ku soo gabagebaynayaa in sida ugu dhakhsaha badan loo suura geliyo,xafiis ay iska diiwaan geliyaan dadkii aan fursada u helin goobihii hore ,in kasta oo aan filayoba inaanu cali warancadde garanayn qiimaha barnaamijkan diiwaan gelinta……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here