Gudoomiyihii Degmada Dhoqoshey Oo Xabsiga La Dhigay,Cida Amartay Iyo Mudaharaad Lagaga Soo Hor Jeedo Xadhigiisa Oo Ka Dhacay Degmada Dhoqoshey.

0
336

Ciidanka Policeka Gobolka Togdheer Ayaa Xabsiga U Taxaabay Maayirkii Degmada Dhoqoshey Doob Yagse,
Magaalada Burco Ayaa Hadal Haynta Ugu Badan Ee Laysla Dhexmaraayo Ay Tahay Maayir,Maayir Loo Xidhay,Kadib Markii Maalintii Shalay Maayirka Degmada Dhoqoshey Dhaliilihii U Cuslaa Huwiyay Maayir Muraad Oo Uu Sheegay Inuu Fidmooyin Ku Abuuray Qaar Ma Mida Deegaanada Hoos Taga Degmada Dhoqoshey Oo Maayirka Degmada Burco Dhex Dhigay Qabyaalad Beeleeysan Taas Oo Uu Tuulada Nasiye U Kala Qaybiyay Beelo Beelo.,IIsla Markaanu Uu Doonaayo Inuu Hoos Geeyo Degmo Kale

 

Xidhiga Maayirka Degmada Dhoqoshey Ayaa Waxaa Amarkiisa Bixiyay Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax,Waxaana Loo Aanaynaya In Xadhiga Gudoomiye Doob La Xidhiidho Hadalo Lagu Xaman Jiray Maayir Muraad Oo Maalintii Shalay Gudoomiyaha Dhoqoshey Daaha Ka Fayday

Dhanka Kale Wararka Aanu Ka Helayno Degmada Dhoqoshey Ayaa Saaka Waxaa Ka Dhacay Mudaharaad Salmi Ah Kaas Oo Lagaga Soo Hor Jeedo Xadhiga Iyo Tacadiga Lagula Kacay Gudoomiyaha Degmada Dhoqoshey

Wixii Warara Ee Ka Soo Kordha Arintani Waxaanu Idinku Soo Gudbinaynaa Wararkayaga Danbe