GURIGAYGU MA GAYO!!! DHACDO CAJIIB AH — QALINKA MUSTAFE SHEEKH CUMAR GEEDDI

0
777

GURIGAYGU MA GAYO!!! DHACDO CAJIIB AH — QALINKA MUSTAFE SHEEKH CUMAR GEEDDI

Hargeysa(Warsugannews)Saaxiibkay Mahdi, waxaa uu maalmo dhexe iiga sheekeeyay Dhacdo cajiib ah oo aan dhowr kale oo ay si isugu eg yihiin ku xasuustay. Waxaa uu ii sheegay in laba nin oo midkood uu caawinayay ay gurri kala kiraysteen waa Magaaladda Hargeysa’e. Heshiiskii waa uu dhacay, haddana ma dhicin.

Wuu dhacay oo nootaayo ayaa lagu kala saxeexday, ninkii gurriga kiraystayna waxaa uu bilaabay inuu gurrigii u diyaariyo meherad uu doonayay inuu ka furto.

Ma Dhicin, sababtoo ah markuu Ganacsidihii badhtanka kaga jiro hawshii ee uu meheradii uu furayay xoogeedii diyaariyay. ayaa maalintii danbe waxaa u yimid Mulkiilihii uu gurriga ka kiraystay oo aad u cadhaysan…Yaab iyo muxuu qoonsadday ayay noqotay.

Maxaa dhacay ayaa la weydiiyay, Kuye. ‘Maxaad iigu sheegi weyday waxa aad ka dhigayso Gurriga” “Sownigii kuu sheegay inaan ku ganacsanayo… “Haaye, gacansiga ayaanan mooday kan, imikana iiga bax gurriga”. “Ka Bixi maayee wax sheeg” “Oo Ma Gurrigaad igu haysataa?”

Gir iyo Qir ayay sheekaddii is taagtay. Gar Soomaali hala qaado ayaa la yidhi, oo midkood baan ahaynba Soomaaliye..maxaa laga yeelayaa…ayaa la isa su’aalay. Xagga Maxkamadda halagu dayo ayay dadka qaar ku taliyeen.. sheeko dheer iyo khilaaf jiitamay ayaa arrintan ka dhashay.

Weli kuuma sheegin waxa Mulkiilaha ka cadhaysiiyay, kan kale ee ganacsadaha ahna ka yaabiyay. Waxaa la isku haystaa Gurriga Timo Jire Casri ah ayaan ka dhigayaa oo waan kaa kiraystay iyo ka dhigi meysid oo ma geyno., ‘Miyaanad iga kireyn,’ “Qaado kiradaada’…

Maaha hal-abuur sheekadu, bal waa dhacdo Xaqiiqo ah. Waxaan ku xasuustay toban sheeko oo kale oo u wada dhow, mid ka mid ah soo dhufto;e…

Waxaa la yidhi, Dumarku waa Badhaadhaha, raggna waa bi’iisee, Sarkaal Ciidamaddii Soomaaliya ka mid ahaan jiray ayaa maalin noo sheekeeyay.. Wuxuu yidhi. ‘Siddeetamaadkii ayaa Xero Ciidan oo Cadaadley ku taalay la ii soo bedelay…Waqtigaas Timo waaweyn oo Hafroo ah ayaan lahaa. Dabadeed, Ninkii Xeradda haystay ayaa igu yidhi maalin, waar maxaad Timahan iskaga xiiri weyday, anna si fudud uun baan u idhi Maxaa addiga Timahayga kaa galay ma Ra’yiisle ayaad haysataa..haba odhan lahaydaa..Aad buu uga cadhooday, maalintii danbe ayuu ii yeedhay wuxuu igu amray in aan hoggaamiyo Ciidan Dalaayado kaga soo booda diyaarad oo toddobaad kasta mar Alamiito sameeya…’Annigu ciidanka dhulkaan ahaaye miyaan arkayba Cir’ Amar diido ma sameyn karro oo waa xiligii Kacaanku calanwalaynayay oo waa Dil. Saraakiishii hoggaamin jirtay ciidankan aan kaxaynayo ayaan ku idhi waar ii gurmadda oo I tussa sidda Dalaayada loo isticmaalo. Dhulka ayay igu tus-tuseen si deg deg ah. Ciidankii kaxeeyay diyaaradii way duushay oo ku wareegtay Bankii loogu tala-galay in ciidanku ku daato..ciidanku waa rag bartaye waa ka daateen, kaligay ayaa ku soo hadhay..Diyaaradii markay dhowr jeer soo wareegtay ayaa Duuliyihii igu war-geliyay inuu madaarka ku noqonayo haddii aan boodi waayo. Dadbeed waan is tuuray…Degdegna waxaan u furtay dalaayaddii oo ay ahayd inaan cabaar show suggo.’dee I mee, laba habeen ka dib ayaa la iga soo helay Jeexjeexyo ku yaalla Buurta Gacan Libaax.’

Waxaan uga socdaa yaan qalintaraarine, Timo-jarista uun maahee Xirfadaha oo dhan ayaad moodaa in aan dhaqankeenu dhiiri-gelin iyo xattaa shaqadda. Bal u fiirso Suuggaanta..Taxanihii Gubba markii danbe la baxayba tuducyo ka soo qaado..

Cali Dhuux miyaanu Xattaa beer-qodashadda u arkay wax laga faano marka uu leeyahay, “Waxay Dalaga beeraha la qodan, Waa dagaagnimo’

Salaanse marka uu leeyahay ‘Idinkaa Hiraabtiyo Kala Hiirta Waaberi’ sow maaha Caydha ayaa Kalahda.

Si kale aan u dhigo, haddaan is tidhaahdo hadda shirkad Tumaalis ah oo haamaha iyo Sanaaduuqdan Carabta laga keenayo ummadda ka haqab-tirta abaabul, waxaa laga yaabaa in geed Qudhaanjo leh lagugu tigtigo oo Tolkii ayaad cay u soo jiiday lagu yidhaahdo. Timo-jaristu waa ceeb iyana oo haddaad qorsheyso inaad kulla tartanto qolladan immika suuqaas la sii wareegaysa dhinaca Hargeysa ee Itoobiyaanka ah oo aad ka soo jeeddo beelaha is biday Inantaadaa guur beelaysa. Xoollo qalistu waa gunnimo sidoo kale. Kaba tolista haba soo qaadin, Cunto karintu waa qor-qoddanimo, Nadaafadda kama hawl-geli kartid. Qaybo badan oo ka mid ah shaqooyinkan kii kootadda loogu xidhayna kama faa’iidin oo wuxuu aaminay isna inay tahay shaqo hoose.

Hadda In la shaqeysto dadkeenu waa jecel-yihiin haddana shaqo oo dhan waa kaas oo ma ogolla oo cay ayay u yaqaanaan. Ma kibirsanna oo waa tahriibayaan, haddana, ma ogolla inay wax lagu liido meel laga garanayo ka qabtaan. Dhulalka kale wax kasta waa ka qabanayaan. Laakiin, dalkoodda maya.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here