Wardeg-deg ah: Ciyaartoydii Gobolka Sanaag Oo Gaadhi La Qalibmay Goordhweyd Iyo Xaaladii Ciyaartoyda

0
425

Wardeg-deg ah: Ciyaartoydii Gobolka Sanaag Oo Gaadhi La Qalibmay Goordhweyd Iyo Xaaladii Ciyaartoyda

War’idaad(Warsugannews) Xulkii gobolka sanaag ee uga qayb galayay koobka gobolada somaliland ayuu qalibmay mid ka mida gawaadhidii ay wateen ciyaartoydu,

cisbitaalka magaalada burco ayaa la gaadhsiiyay dhaawaca tababarihii xulka gobolka sanaag Axmed Qaldaan, iyo ciyaartoy ka mida kuwii gobolka usafan lahaa koobkan oo dhaawacyo fudud qaba.

gaadhiga dhacay oo noociisu ahaa serf ayaa waxa uu ku gedoomay deegaanka war’idaad ee gobolka sanaag, gaadhigan ayaa lanoo xaqiijiyay inay saarnaayeen sadex kamida ciyaartoyda gobolka sanaag, iyo sadex masuul oo ka tirsan wasaarada ciyaaraha ee somaliland.

inkasta oo la gaadhsiiyay cisbitaalka burco hadana ma cada sida wax ay u qabaan ciyaartoyda dhaawacantay hase yeeshee waxa ay wararku sheegayaan in tababaruhu uu soo gaadhay dhaawac culusi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here