Iiraan Oo Siyaasad uga faaidaysanaysa Masiibadii Xajka iyo Maydadka Xujaajtii Ka Dhintay Oo Ay Baadhayso

0
363

Iiraan Oo Siyaasad uga faaidaysanaysa Masiibadii Xajka iyo Maydadka Xujaajtii Ka Dhintay Oo Ay Baadhayso

Tehran(Warsugannews)In kabadan 100 mayd oo ka mid ah dadkii ku dhintay is buurashadii Xajka ayaa la gaadhsiiyay Iiraan, Waxaana xus loo sameeyay in ka badan 400 oo qof oo Iraan u dhashay oo ku dhintay Jamaraadka.

Iiraan weli waxay ku celcelineysaa eedda ay u jeedineyso dowladda Sacuudiga oo ay ku dhalleeceysay in ay si xun u maamushay Xajka sanadka Laakiin, Sacuudiga ayaa Iiraan ku eedeeyay in dhibaatadii ka dhacday Makkah ay siyaasad u badashay.

Hadaba maxay tahay waxa dhabta ah ee ay labadan dal isku hayaan?
Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdi Samad ayaa tilmaamay in arrinta Xajka Iiraan siyaasadaysay “Runtii Taariikhda Islaamka markaad eegto waa markii u horaysay ee qof islaam ah oo xaramka ama meelaha sharafta leh ee islaamka ku dhintay maydkiisa la qaado oo wadankiisa lagu cesho, maxaa yeelay qofka muslimka ahi meesha ugu fiican ee uu ku dhiman karaa waa Xaramka barakaysan, markaa in la qaado Maydkii Xujaajta Iiraan oo wadankoodii lagu cesho waxay ka dhigan tahay in arrinta la siyaasadeeyay,” ayuu yidhi Dr Cabdiwahaab oo BBC-da la hadlay.

Waxa uu intaasi ku daray in baadhis Iiraan ku samaynayso maydadka dadkaasi si ay u ogaato waxa dhaliyay dhimashada Xujaajta “ Iiraaniyiintu waxay doonayaan inay ogaadaan maxaa dhaliyay isbuurashada(Cidhiidhiga), wax kale ayaa meesha ku jira oo waxay doonayaan inay baadhaan Maydka si loo ogaado sababaha uu u dhintay. Markaa Iiraaniyiintu waxayna ku qanacsanayn jawaabtii Sucuudigu ka bixiyay,” ayuu yidhi Dr-ku.

Sidoo kalena Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdi, waxa uu sheegay in labada waddan isku hayaan hogaanka gobolka bariga dhexe, iyadoo haatan Iiraan wadda inay gacanta u galiso wadamada Ciraaq, Yemen, Suuriya iyo meelo kale maamulo ay ogoshahay islamarkaana ay caawinayso kooxaha ka dagaalama meelahaasi, halka dhaqdhaqaaqyadaasi Sucuudigu ka soo horjeedo.

Dawladda Sucuudiga ayaa dhimashada Xajka sanadkan ku macnaysay masiibo aan aadamuhu maamuli karin, waxaanay iska diiday eedaha ah in maamul xumo jirtay. dawladda Iiraan ayaa ah dalka kaliya ee buunbuuniyay arrintan islamarkaana qaatay Maydadka xujaajta.

warsugannews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here