HA AQRIN HADII AAD JACEYL LA IL DARANTAHAY (QISO JACEYL OO MURUGO BADAN)

0
1354

waax qoraya yaasir br

Adunyadu waa imtixaan waa dhibaato iyo murugu badantahay dadka isku si uma soo wajahdo waxa ayna qof walba ku qaabishaa waji gooniya dadka qaarbaa farxad iyo reyn reyn ku qaata waqtigooda inta badan halka ay kuwa badan la noolyihiin murugu ciil iyo uurkutaalo iyo caro ma aan dhamaad laheynQisadaan waa qisa dhab ah oo ka dhacday Soomaaliya qaas ahaan Gobalada dhexe ee Soomaaliya waana qiso aad u xanuun badan oo aan ugu magac daray ILLEEN JACEYL WAA LOO DHINTAA!.

Hadaba aqristoow sifiican u dhuux qisadan xanuunka badan iyo sida ay wa u dheceen. Axmed-yare wuxuu kamid ahaa ardada wax kabarata dugsiga Mujamac ee Magaalalada Baledweyne waxaana maalin maalmaha kamid ah ay isbarteen gabar lagu magacaabo Aniga oo iyana kamid aheyd gabdhaha wax ka barta isla dugsigas islamarkaana dhigata fasalka amma galaas-ka kahooseeya.

Suleeqa iyo Axmed barashadooda kadib waxaa ku dhax abuurmay jaceyl xad dhaaf ah uu midba midka kale u qaado ilaa iyo dhammaan laga ogaado iskuulka ,macalimiintana ay kawar helaan xanta jaceylka lamaanahan .

waxana ay noqdeen kuwa iyaga si gooni ah isku tix galiya markastana wada jecel in ay waqtiga isla qaataan ,waxaana caashaqa midba midka kale uu uqabo uu gaaray in haddii aysan isla joogin la iska maqlo taleefoon.

Nin aduunya joogow maxaa aragti kuu laaban! .

Axmed iyo Sulaaqa waqtigii aas-aaska jaceylkooda waxa uu ahaa waqtiga mid u hiiliyay iskaba dhaaf in xitaa ay dhibaato arkeen saacad-na iskuma dhaafin in ay isqoonsadaan oo ay murmaan, waayaha aduunyada koley waa cibaaree,cadceedii bidhaantana waxey caan ku noqotaaye ,lamaanahan waqtigoodii hore iska iskula jaceyl xidida mutay ,oo axdi iyo aaminaad-na ay lagu heensimay muddo sadex sano (3- sano) kadib waxaa leysla meel dhigay in geedkii jaceylka ee in muddo ah lawa raabinayay laamo ubax lehne soo baxshay in mirihiisii lagurto. Axmed-yare iyo Suleeqa ayaa isku afgartay in ay reer yegleelaan oo ay hooy qura kuwada noolaadaan .
waxaana Axmed uu Suleeqa ka codsaday in ay fursad siiso si uu waalid-kiis ugu wargaliyo isagoo islahaa waa bishaaro cusub ,hasayeeshee Suleeqa wey ka aqbashay laakiin maxaa dhacay?

Axmed iyo hooyadii maxaa dhaxmaray? Axmed oo ahaa agoon Aabahii geeriyooday islamarkaana ahaa kan uguweyn amma curadka reerka ,wuxuu aaminsanaa in haddii Hooyadii usheego arintan ay tahay mid ay ku farxeyso laguna taageeri doono ,Axmed-yare waxa uu yimid Hooygiisa oo kuyaalla xaafadda Kooshin ee Magaalada Baledweyne waxa uuna durbadiiba uu bilaabay in uu lafaqo Hooyadii uu arintii u bandhigo .
Hooyo Sareedo oo aheyd Maamada Axmed waxa ay usheektay in arinkaasi uu yahay mid wanaagsan haddii uuba rabo in uu guursado iyduba jaceshahay laakiin ay horaba ugu doontay Nasra oo ay habaryartiis dhashay islamarkaana ay suleeqo isku fasalyihiin. Iintii aysan usheegina uu kasoo hor dhacay ,Axmed ayaa durbaba bilaabay in uu ku cataabo Hooyadiis ,kana codsaday in ay iska hilmaanto Nasro aa ayku taageerto jaceylkiisan uu rabo in uu la Aqal galo.

Ninba waayihiisaa Waalo loo tumaa ,Labo kala barisayna kala war la. Hooyo Siraad ayaa usheektay wiilkeeda Axmed in loo taliyo uu qaato hadalka Waalidkiis, marnaba aysan Nasro mooyee qof kale uu san Nolosha laqeybsan doonin.
Axmed wixii habeenkaasi kadib waxaa ubilaabmay jawi murug iyo fakar ku dhisan ,Habeenkiina ma Ladin ilaa uu waaga soo gaduudto,waxana uu Suleeqa usheegay in arintii ay waali-kiis ku gacan seereen ,waxaana isku calaacal kadib leysla meel dhigay in aan lakala maarmin, oo nafta leysku hurayo.
Axmed ayaa Taleefoon kuwacay Nasra una sheegay waxa taagan ,bal xageeda si uu ciirsi uga helo,hasa yeeshee waxey usheegtay in ay horay udiiday laakiin duco iyo habaar la hor dhigay oo ay arintu tahay labo daran mid dooro,Nin dan leh madaalee Axmed-yare waxa uu mar kale ku soo noqday Hooyo Siraad uu intuu Gar-ka iyo jilbaha qabsaday ka codsaday mar kale taageero jaceyl-kiisa ah ,laakiin maamo Siraad waxa ay Axmed usheegtay in Maalita Bariya maaha saadanbe uu Aqal galayo.
Warkii hore war soo dhaaf ,Axmed waxaa mar kale u Baryay waa cusub wuxuuna Hooyadii usheegay in aysan dhici karin uu danida katagayo haddii aan arintiisa loo meel marin .
Hooyo Siraad ayaa int dhoola cadeysay kuna tiri waa laguu taliyaa ee adiga ma talis war maqal!!!!!! Axmed inta uu Ilmeeyay ayuu kuceliyay mar kale in uu Aduuyada ka tagayo haddii uusan helin Suleeqa ileenwaxa gubaya gantaalada caashaqa ,taa badalkeeda waxaa murugada laqabo oo fakarta dartiis daamanka u qormeen Suleeqa.
Dhamaadkii dunida axmed iyo dhaawacii iyo daruuftii Suleeqa!!!!!! Axmed ayaa tagay goobaha Magaalada Baledweyne looga iibiya sunta cayayaanka wuxuuna soo gatay sun ay Tayadeedu sareyso .
waxa uu yimid goor cishaha kadib Sariirtiisii Hurdada ,waxa uu na Horay usoo qaatay Raadiye uu ku duubay arita uu dhintay iyo hadalo dardaaran ah .

waxa uuna kadib cabay suntii ,isla habeenkiina halkii ku ruux baxay!!!!!!!!!! Reer-kii Axmed ayaa goor danbe oo galabtii ah arkay in Axmed uu Hurdayo ,waxaana loo sheegay Hooyadii ,Maamo Siraad ayaa damacday in ay ka kiciso mise waa Meyd!!!!!!!!!!!!! Oohin iyo Baroor ayey isku dartay Maamo Siraad waxaana isku soo baxay Dariska .
waxaa furmay jawi murugo iyo tacsi ku dhisan dadkuna wey kamurugoodeena dhimashada Wiilkan Xaafadda loogu jeclaa ,asturaada meydka kadib waxaa lahelay cajalkii ku jiray Raadiyaha iyo fariinta marxuunka .
waxaana arintii ka warheshay lamaantiisii oo iyadana welwel xoog leh hayo , markii ay maqashay geerida gacaliyaheedii maalmo fakir saa’id ah kadib waxa ay qaadatay caak Basiin ku jro iyo Taraq inta ay Suulida gashay dab isku qabatay.
waxaana la arkay Holac musqushii kasoo ifaya Orod iyo in ay dadkii dudaan kadib mise wey xeran tahay?
waxaa labilaabay in lajibiyo mise waa Suleeqa oo guban ,islamarkaana tacbaan ah ,Naf xumina ay ku jirto. Waxaa loola cararay Cisbitalka ,muddo dheer kadibna waxaa la ,ogaaday in Dabka uu dhaawacay Maskaxda Suleeqa oo aysan waxba ogeyn sidaasina kunoqotay Qof Waalan.
Aqristow hadii aad Xanuun dareentey ogsonow inaad tahay qof bini adam ah Rabi xagiisa u noqo Qofkaad jeceshahayna had iyo jeer qadari balantanaadkee