Masar oo la amaahinayo 12 bilyan oo doolar

0
449

Hay’adda lacagta dunida (IMF) ayaa ansixisay heshiis lacag dhan 12 bilyan oo doolar lagu amaahinayo dalka Masar si dalka gacan looga siiyo in uu ka soo kabto dhaqaalihiisa sii dhacaya. Deyntan waxa Masar lagu siin doonaa muddo saddex sanadood gudaheed ah iyada oo marba in loo soo shubi doono.
Ugu horrayn Masar waxa la siin doonaa 2.75 bilyan oo doolar, inta kalena waxay ku xirnaan doontaa hadba kobaca dhaqaale iyo is beddellada dalku sameeyo sida ay u miro dhalaan.
Madaxa hay’adda IMF, Christine Lagarde, ayaa sheegtay in aamaahdan samata bixinta dhaqaalaha loogu talo galay “wax lagaga qaban doono caqabadaha mudada dheer soo jiitamayey”.Madaxweynaha Masar, Cabditataax al-Sisi, ayey soo food saartay shaqo la’aan aad u badan oo dalka ka jirta iyo hoos u dhac miisaaniyadeed oo u dhiganta 12% dhakhliga dalka soo gala.
Dalku wuxu weli la daalaa dhacayaa sidii uu u soo jiidan lahaa maalgelin shiyeeye ilaa iyo intii qalalaasaha siyaasadeed dalka ka oogmay sanadkii 2011 markii kacdoonkii loogu magac daray gugii Carabtu (Arab Spring) xukunka lagaga tuuray madaxweynihii hore, Xusni Mubaarak.
Dalxiiska ayaa ahaa isha dakhliga ugu badani ka soo galo Masar hase yeeshii hoos ayuu u dhacay shantii sannadood ee la soo dhaafay.