“Hadii aan sifiican u ciyaarno waan garaaci karnaa Bayern Munich” – Shkodran Mustafi

0
401

Daafaca kooxda Arsenal ee Shkodran Mustafi ayaa ka hadlay kulanka kooxdiisu ay u safri doonto habeen dambe kooxda Bayern Munich.

Shkodran Mustafi ayaa sheegay in kooxdiisu ay guul ka gaari karto dhigeeda Bayern Munich hadii kooxdiisu ay sifiican u ciyaarto kulankaas.

Mustafi ayaa intaa ku daray inuu sifiican u garanayo wax tarka kooxdiisa maalinta ay isugu toosantahay, wuxuuna rajeeyay in habeen dambe uu noqdo kii Arsenal.

“Waan ognahay in kulanka Bayern Munich uu noqonayo mid adag, laakiin sidoo kale waxaan ognahay in hadii aan sifiican u ciyaarno aan ka guulaysan karno” ayuu yiri Shkodran Mustafi.

“Ma dhahayno waxaan rajaynaynaa in Bayern ay u noqoto maalin xun balse waxaan dhahaynaa waxaan rajaynaynaa inay noqoto maalinteena waayo sifiican ayaan u ognahay waxa aan qaban karno” ayuu sii raaciyay.